Waa Maanso Gaaban Oo Ka Hadalaysa Waayaha Aduun Iyo Kala Duwanaashaha Koonkan Dushiisa Ka Jira
Wakhtigu Wuu Ku Haybiyaa
Dharaar Buu Kula Hadlaa
Haldoor Buu Kaa Dhigaa
Hankaaguu Wanaajiyaa
Halyay Buu Kugu Simaa
Bulshadu Ay Hiigsatoo
Mar Baad Hogol Hoortay Tahay
ย
Mar Buu Hanku Kaa Lumaa
Hacoo Laga Quustayoo
Haweenka Agtooyada Yaal
Hilaaddu Kugugu Toshaa
Habaasku Mar Buu Kacaa
Indhuhu Hilinkay Rabeenโฆโฆโฆโฆโฆ.
Halbeegana Kaa Lunshaa
Mar Baa Lagu Hiifayaa
Bulshadu Hardaamiyo
Dhib Iyo Howl Kugu Tirtaa
ย
Mar Baa Lagu Hiigsadaa
Halbeega Wanaag Iyo
Mar Baad Tahay Hanad Jiroo
Weedhaada Laga Helaa
Waxa Maansada Alifaya Xamse Cali Cali Jeesto
ย
ย