Hargeysa (SLpost)- Mid ka mid ah Ardayda wax ka barata Jaamacadda Camuud ee magaalada Boorama, ayaa geeriyooday kaddib markii ay ku dhacday rasaas uu ku riday askari ilaalada jaamacadda, sida uu sheegay guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Awdal Maxamed Axmed Tiimbaro.
Marxuumka Geeriyooday oo lagu magacaabo Ibaahim Cabdishakuur Ibraahim oo ku jiray sannadkii labaad ee kulliyadda Engineering-ka ee Jaamacadda Camuud, ayaa qoyskooda deggennaa magaalada Labadii sanno ee u dambeeyey.

Maamulka Gobolka Awdal, ka degmada Boorama, Maamulka jaamacadda Camuud iyo madax-dhaqameedka gobolka oo caawa si wada-jir ah ula hadlay warbaahinta, ayaa faahfaahin ka bixiyey dhacdadan, waxaanay sheegeen in xabsiga loo taxaabay oo uu xidhan yahay Askariga Dilka geystay.
Muuqaalka hoose ka daawo Hadallada Maamulka gobollka, degmada Boorama iyo Maamulka jaamacadda Camuud