[S]aylac (SLpost)- Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Salal Cali Alaale Rayaale ayaa maanta shir kula yeeshay laanta socdaalka ee degmada Lawyacado madaxada iyo hawl wadeenada laamaha dawlada ee gobolka Salal.
Ujeedada Socdaalkan Badhasaabku xigeenka Ayaa ku wajahnayd Xog Ogaal U Noqoshada Habsami U Socodka Hawlaha Shaqo Ee Waaxyaha Kala Duwan Laamaha Dawlada.
Badhasaab Ku Xigeenka Gobolka Salal Markii Uu Gaadhay Magaalada Lowyacado Ee Ku taalaย Xuduudka S/land La Wadaagto Jabuuti Waxa Uu Kulan La Yeeshay Dhamaan Madaxda Dawlada Sida: Taliyayaasha Ciidamada Difaaca Qaranka, Ilaalada Xeebaha, Nabad Gelyada,Laanta Socdaalka , Sirdoonka Qarankaย iyo Maamulka Kastamka Lowyacado Ee Gobolkan.
Waxa Kale Oo Shirkani Kasoo Qayb Galayย Maamulka Magaalada, Qaar Ka mida Ganacsatada Magaaladaย Lowyacado Iyoย Marti Sharaf Kale.
Kulankan Oo Ka Dhacay Hoolka Shirarka Laanta Socdaalka Lowyacado Ayaa Ugu Horayn Waxaa Ka Hadlay Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Salal Mudane Cali Allaale Rayaale,Waxa Uuna Ku Dheeraaday Adkaynta Nabad Gelyada Xuduudaha Iyo Sii Xoojinta Xidhiidhka Wadamada Jaarka.
Sidoo Kaleย Waxa Halkaasi Ka Hadlay Taliyaha Qaybtaย Policeka Gobolka Salal Maxamed Cabdi Axmed Waxaanu Sheegay Taliyuhu In Aan Loo Baahnay Wax kastoo Car Qalad Ku Ah Nabad Gelyadaย Sidoo Kale Wuxuu Ku Dardaarmay sidii looga Hortagi lahaa Wax Kasta oo Keeni Kara Amaan Darro.
Waxa Kaloo Isna Goobtaasi Ka Hadlay Maamulaha Kastamaka Lowyacado Cilmi Sh.Cabdi Maydhane , Taliyaha Laanta Socdaalka Saylac Cali Jaaโuur Iyo Taliyaha Sirdoonka Qaranka Ee Gobolkan Dayib Yuusuf Dugsiiye. Waxayna Dhamaantood Carabka Ku Dhufteenย Inay Marka Hore Soo Dhawaynayaan Shirarka Noocan Oo Kale Ah kaas oo dalbadeen sidii loo joogteeyo lahaa
Gabagabadii Waxaa Si Wada Jira La Is Kula Qaatay In Dhinac Kasta Oo Ay Ka Iman Karto Dhibaato Iyo Waxyeelo Keeni Kartaย Awooda Lawada Saaro Lana Ilaaliyo Amaankaย Xuduudaha,Isu Socodka Gadiidka iyo Dadwaynaha Ee Labada Dal S/Land Iyo Jabuuti.
Maxamed Cabdi Aadan (Indho)
Indho145@hotmail.com
SLpost News Desk