Maamulaha Shirkadda Dahabshiil oo Khudbad Qiime leh ka jeediyey Shir Qaramada Midoobay iyo Saxaafadda Somaliland uga qabsoomay magaalada Haregysa

0

Hargeysa, 07 March, 2012 (SLpost)- Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale ayaa maanta khudbad qiimo badan oo dhinacyo badan tabanaysay ka jeediyey shir lagaga Hadlayey Wax-qabadka Hayโ€™adaha Qaramada midoobay iyo doorka Saxaafadda Somaliland ย oo maanta ka qabsoomay magaalada Hargeysa.

Maamulaha Dahabshiil waxa uu khudbaddiisa kaga hadlay dhawr arrimood oo kala duwan oo ay ka mid yihiin kaalinta waxqabadka hayโ€™adaha Qaramada Midoobay ee Somaliland isaga oo xusay in waxqabadka UN-ka ee Somaliland uu muuqdo isla markaana ay wax badan ka fuliyeen gudaha Somaliland, โ€œanigu ma jecli inaan ka hadlo arrimaha siyaasadda balse waxaan ka hadlayaa dhinacyada mashaariicda ee UN ku ka qabteen Somaliland sanadihii ina dhaafay,โ€ ayuu yidhi Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale.

Mr Ducaale waxa uu tusaale usoo qaatay sida ay mayshaariicda Qaramada Midoobay uga muuqdaan taakulada qaybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan adeegyadaย  bulshada sida Caafimaadka, waxbarashada, biyaha, waddooyinka iyo kuwo kale waxaanu sheegay inay ku faraxsan yihiin ka shirkad ahaan shaqada fiican ee ay UN ku ka qabteen Somaliland isaga oo ka hadlayana waxa uu yidhi, โ€œAad baan ugu faraxsanahay mashaariicda wanaagsan ee ay UN ku ka qabteen Somaliland sida annaguba aanu ka Dahabshiil ahaan ula shaqayno bulshada Somaliland.โ€

Waxa kale uu Mr. Ducaale ka hadlay qodobbo khuseeya warbaahinta Somaliland sida waxybaaha ay qoraan ama ay baahiyaan isaga oo uu sheegay inuu aad ula socodo wararkooda isla markaana uu kala garanayo meelaha ay dhaliilaha ku leeyihiin iyo meelaha ay ammaanta ku leeyihiin, โ€œanigu waxaan aad ula socdaa waxyaabaha aad qortaan ama aad baahinaysaan waayoย  maalin kastaba waxaan akhriyaa dhamaan jaraaโ€™iddada iyo Website-yada aad wax ku qortaan,โ€ ayuu yidhi Maamulaha Dahabshiil.

Cabdirashiid waxa uu sheegay dhaliilaha warbaahinta Somaliland iyo wararkooda inay ka mid tahay iyada ooย  inta badan ay suxufiyiinta ka hawlgala warbaahinta qaybaheeda kala duwani ku degdegaan baahinta wararka qaarkood oo u baahan in baadhitaan lagu sameeyo xaqiiqadooda iyo meesha ay ka soo baxeen saxnimadeeda ka hor inta aan la baahin wararkaasi. Waxaanu ku booriyey suxufiyiinta inay isu dheeli tiraan wararka ay qorayaan.

Waxa uu sidoo kale ka hadlaya baahiyaha ay qabaan iyo duruufaha qallafsan ee ay ku shaqeeyaan warbaahinta Somaliland isaga oo tilmaamay inay fiicnaan lahayd inay QM ka caawiyaan Suxufiyiinta Somalilandย  inay ka qaybgalaan shirarka caalamiga ah ee ka dhacaya waddamada kale ee caalamka kale si ay uga soo korodhsadaan waayo aragnimo dheeraad ah shirarkaasi, โ€œQaramada midoobay waxaan u soo jeedinayaa inay caawiyaan Saxaafadda Somaliland isla markaana waxaan soo jeedin lahaa inayย  ku martiqaadaan shirarka caalamiga ah si ay uga soo korodhsadaan waayo aragnimo iyo khibarad dheeraad ahโ€ ayuu yidhi.

Dhanka kalan maareeyaha Shiradda Dahabshiil groups waxa uu sheegay in ay fiicnaan lahayd in wariya yaasha waddamada kale ka shaqeeya la keeno Somaliland si ay iyaguna khibrad taa la mida uga qaataan Somaliland iyo warbaahinteeda islaย  markaana xog ogaal ugu noqdaan duruufaha qallafsan ee ay ku shaqeeyaan suxufiyiinta Somaliland, isaga oo arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi, โ€œUN-ka waxaan odhan lahaa wariyaasha caalamiga ah ee ka hawlgala waddamada kale waa inaad keentaan Somaliland si ay kuwa Somaliland isu dhaafsadaan waayo aragnimada iyo siyaabaha ay ku shaqeeyaan.โ€

Markii uu maamulaha Dahabshiil erayadaasi ku dhawaaqay waxaa madasha markaliya is qabsaday sacabka iyo dhoollo cadaynta ka soo qaybgalayaashii shirkaasi gaar ahaan suxufiyiinta Somaliland oo u arkayey khudbadda uu jeediyey maamulaha Dahabshiil inay ahayd mid iyaga si gaar ah ugu hiilinaysay.

Ugu dambeytiina maamulaha Dahashiil groups Cabdirashiid Ducaale waxa uu sheegay Saxaafadda Somaliland inay sabab u tahay horumarka ballaadhan ee ay ku tallaabsatay waxaanu sheegay inay ka shirkad ahaan qaybahaย  kala duwan ee warbaahinta Somaliland oo dhan uu ka dhexeeyo xidhiidh wanaagsan iyo wadashaqayn buuxda.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net