“Ma garanayno sababta Shiinuhu u dhibsanayo xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan. Maan arag dal u yeedhinaya Dal kale cidda ay xidhiidh la yeelanayaan” – Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland
Hargeysa (HT)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka jawaabtay digniin dawladda Shiinuhu ugu jeedisay xidhiidhka ay la leedahay Taiwan, oo Shiinuhu u arko in ay tahay Jasiirad qayb ka ah dhul-weynaheeda.
Safiirka Dawladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Wang Yu, ayaa dhawaan sheegay in ay Somaliland uga digayaan xidhiidhka xoogeysanaya ee ay la leedahay Taiwan, isaga oo xusay in Dawladdiisu qaadayso tallaabooyin aanu xusin nooca ay yihiin oo lagaga hor tegayo Somaliland.
Somaliland, ayaa sheegtay in danaheeda sidii ay u aragto in ay ku jiraan ay xidhiidh iyo iskaashi ay ula yeelanayso dalalka kale, taasina aanay ahayn mid dhaawacaysa Dawladda Shiinaha.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa ku tilmaamay xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan mid ku salaysan iskaashi danaha labada dhinac khuseeya, waxaanu xusay in aanu wax dhaawac ah ku ahayn Dawladda Shiinaha.
“Ma garanayno sababta Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya u dhibsanayo xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan. haddii aanu xidhiidh la leenahay Taiwan, waxaanu ka mid nahay dalal kale ee adduunka ah oo xidhiidh la leh, arrintaasina waxba u dhimayso xidhiidh annaga iyo Shiinaha aanu yeelano. Haddii aanu Taiwan xidhiidh leenahay macnaheedu maaha in Shiinaha dhibaato naga dhaxaysa,” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Maan arag dal, dal kale u yeedhinaya cidda ay xidhiidh la yeelanayaan. Shiinuhu cidda uu xidhiidh la yeelanayo waxba igama weydiiyo, annuguna cid kale waxba kama weydiino cidda aan xidhiidh la yeelanayno”.
“Somaliland cid ay faro gelin ku samaysay ma jirto, Taiwan way jirtaa wixii iyaga u yaala ee sharci ah iyaga ayey u taalaa. Annagu danahayga iyo xidhiidhkayga ayaanu eegnaa, taas macnaheedu maaha in aanu Shiinaha jiritaankiisa diidanahay. Shiinaha Waddan ayaanu u aqoonsanahay, xidhiidhna waan la samayn karnaa, iskaashina waan yeelan karnaa,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland.