Lawska Oo La Ogaadey Inuu Ka Qayb Qaato Cimri Dhererka

0

(SLPOST)Waxaanay kusameeyeen tijaabo dhinaca faaย’idada lawska ah dad aad u badan oo isugu jira rag iyo dumarba,kuwaas oo tiro ahaan gaadhaayey 120,000 qof

images

Daraasad cusub oo ay sameeyeen khubaro Maraykan ahi ayaa lagu sheegay in lawska oo la cuno maalintii dhowr midh uu keeno cimriga qofka oo dheeraada ,sida ay ku sheegeen war hor dhac ah oo ay kazoo saareen daraasadaasi ay wadeen khubaradasi .

Daraasad ayaa noqonaysa tii ugu balaadhnayad ee abid laga sameeyo lawska iyo faaโ€™idooyinkiisa ,taas oo ay sameeyaan maxadyada iyo jaamacaddaha ku yaala dalkaasi Maraykanka,sidoo kalena caalamka intiisa kale ayaan samayn daraasad sidan u balaadhan oo ku saabsan cunitaanka lawska iyo waxyaalaha laga helo intaba,sida ay khubaradani sheegeen.

Waxaanay kusameeyeen tijaabo dhinaca faaโ€™idada lawska ah dad aad u badan oo isugu jira rag

iyo dumarba,kuwaas oo tiro ahaan gaadhaayey 120,000 qof ,waxaanay daโ€™aan u dhexeeyen 30 sanno jir,iyada oo muddo dheer soo socotay daraasadasi aanay jirin siday sheegeen khubaradani cid dhimatay oo kamid ah dadka lawska cuna ,sida ay ku daabaceen wargeyska lagu magcaabo New England Journal of Medicine.Waxay sheegeen in cunida qaybo lawskaasi kamid ah oo maalintii la cunaa ay yaraysoย  13% dhimashada iyo welibaย  wadne xanuunka ,iyada oo ay sidoo kale xuseen in waxooga laws ah oo la cuno kana badan inta hore ay sidoo kale aad u yarayso dhimashada ilaa 20%,siday daraasadasi tilmaantay.

โ€œwaxyaalaha ugu badan ee faaโ€™idada ah ee aanu ogaaney ayaa ah in dhimashada badan ee ka timaada wadno xanuunka iyo istaagista wadnahaba,iyada oo dhimashada labadaasi ka timaada ay yaraato 29% ,waxa kale oo aanu aragnay inuu yareeyo u dhimashada xanuunka loo yaqaano Cancer-ka oo ah mid dadka dhibaato badan ku haya,waxaanu yareeyaa qiyaas ahaan 11%โ€.sidaasi waxa yidhi Dr Charles Fuchs oo ah madaxa cilmibaadheyaasha kana socday Dana-Farber Cancer Instituteย  kuna yaala maaalada Brigham ,sidoo kale ka hawl gala Dhakhtarka dumarka ee Womenโ€™s Hospital.

Lawska ayaa ah mid duxdiisu aanay aad u badnayn,iyada oo ay khubaradu sheegeen in uu yaryahay duxda faraha badan ee lagu sheego inay ku jirto lawska ,sidoo kalena waxa jira Vitamins badan iyo sidoo kale Proteins badan,waxa kale oo lagu sheegay inay ku jirto waxyaalo ka hortaga suntan,iyada oo ay yaraanayso wadne xanuunku.

Saliida ku jirta lawska iyo sidoo kale waxyaalo kale oo laga soo saaro ayaaย  yareeya xanuunada caloosha ku dhaca,sidoo kalena waxa uu yareeyaa yalaalugadaย  sida ay khubaradaasiย  shegeen.

 

Somalilandpost.net

Diyaariye:-C/qaadir Askar

askars4@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland