Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in dhoolatuskeeda uu jawaab u yahay dhaq dhaqaaqa ay todobaadyadii lasoo dhaafay wadeen ciidamada Maraykanka iyo kuwa K/Kuuriya oo si wadajir ah u sameeyey dhinacooda ciyaaro iyo dhoolatus militari.
Dhamaan duqeymahan maanta ay labada dhinac is dhaafsadeen ayaa la sheegay in xoogooda ay ka dhaceen dhanka bada iyo biyaha u dhaxeeya labada wadan, mana jiraan cid wax ku noqotay.