Laba Boos-shaqo oo ka bannaan Hay’ad Xukuumadda ka tirsan oo iftiimiyey Baahsanaanta Shaqo la’aanta dalka Ka jirta iyo Guddoomiyaha Ha’adda Shaqaalaha oo ka hadlay

0

Hargeysa (SLpost)- Hayโ€™adda shaqaalaha dawladda ayaa maanta Imtixaan ka qaaday 191 qof oo u tartamaya 2 Boos oo ka bannaan Wasaaradda Qorshaynta Somaliland, kuwaas oo kala ah Xoghaynimo iyo soo dhaweeye (Receptionist), Wasaaraddu ku baahisay warbaahinta dalka.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha Nuux Sh. Muuse Ducaale oo warbaahinta u warramay ayaa sheegay inay imtixaan ka qaadayaan 191 dhalinyaro wiilal iyo hablo isugu jira kuwaas oo soo codsaday labada shaqo ka dib markii warbaahinta lagu naadiyey.

โ€œMaantaย  waxaan imtixaan ka qaadaynaa 191 qof oo u kala tartamaya Xoghaynimo (Secretary) iyo Soo dhaweynta (Receptionist) oo ay soo codsatay Wasaaradda Qorshayntu, Imtixaanka laguma kala bixi doono nasiib iyo garasho, waxa-se lagu kala bixi doonaa dedaal iyo aqoonta uu qofku wato,โ€ sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Hayโ€™adda Shaqaalaha dawladda Somaliland Nuux Sheekh Muuse Ducaale oo warbaahinta kula hadlay Xarunta hayโ€™adda shaqaalaha ee magaalada Hargeysa markii ay Imtixaanka u fadhiisanayeen 191-ka qof ee labadaa boos u tartamayaa.

Guddoomiyaha hayโ€™adda shaqaalaha dawladda waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in la arko dadka intan le’eg ee galaya imtixaankan, maaddaama ay tirada u fadhiisanaysaa imtixaanku ka badan tahay tirada loo baahnaa.

Tartankan loo galay labadan boos ee Wasaaradda Qorshaynta ka bannaan ayaa dibedda soo dhigay, isla markaana si fiican u muujiyey heerka shaqo laโ€™aantu ka marayso Somaliland iyo qorshe laโ€™aanta Xukuumadda Madaxwayne Axmed-Siilaanyo oo aan ilaa hadda wax muuqda ka qaban shaqo laโ€™aanta haysata dhalinyarada Jaamacadaha ka baxday oo buux-dhaafiyey Suuqyada magaalooyinka dalka gaar ahaan goobaha bulshadu ku kulanto.

SLpost News/Hargeysa