LAASQORAY: Roobab Duufaanno Wata oo xoolo badan ku dhinteen

0

Laasqoray(SLpost)-Roobab xoog badan oo daadad iyo duufaanno wata ayaa ka daโ€™ay deegaanada hoos yimaada degmada Laasqoray ee gobolka Badhan. Waxa dhibta ugu badan ee xoolo fara badani ku leedeen ku dhacdayย deegaanka ย Ado oo ka tirsan Laasqoray. Roobabkan oo bilaabmay shalay aroortii hore ayaa laayey xoolaha badan.

Cabdilaahi Maxamuud Ibraahin Xayle oo gobolka Badhan ku sugan oo Somalilandpost goor dhawayd khadka tilifoonka kula xidhiidhay ayaa noo sheegay in roobab duufaanno watay ay ilaa maanta daโ€™ayeen balse khasaaraha ugu badan oo xoolo ah ay gaysteen maalintii shalay ahayd. Cabdilaahi oo arimahaa ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi โ€œWax dad ahi waxba kuma noqon laakiin xoolo badan baa ku leeday, ilaa dhawr iyo toban qoys oo dhibi ka soo gaadhay xoolahoodii -qaar ay ka madheen iyo qaar wax yari ku soo hadheen baan imika ogahay ilaa inta la ii soo sheegayโ€

Mar aannu Cabdilaahi waydiinay inta uu ku qiyaasi karo tirada xoolaha ah ee ku dhimmatay waxa uu noo sheegay in aannu tirada rasmiga ah ogayn laakiin qoysaskaas ay adhigu ka wada leedeen badankooda waxaanna uu yidhi โ€œWalaal tirada rasmiga ah ma hubo laakiin qoys kasta oo ka mid ah kuwaas aan kuu sheegayba adhigu ama waa ka wada madhay ama wax yar baa u baxay, tusaale ahaan nin aannu ilma adeer nahay adhigii oodhan oo ahaa dhawr iyo sideetan daad baa kala tagay. Nin kale isagana tiro iyo dheeraad baa hal mar ka bakhtiyay. Ninkale waxa uu ii sheegay in adhigiisii oo dhawr iyo konton ahaa uu daad ka wada qaadayโ€.
Maamulka dagmada Laasqoray ayaan waxba ka ogayn daadadkan iyo waxyeelada ay qoysaskaa gaadhsiiyeen sida uu noo sheegay Cabdilaahi. Isaga oo sheegaya in aannu maamulku hore ula socon oo uu isagu ogaysiiyey waxa uu yidhi โ€œWalaal Madaxda deegaanku kama war qabaan oo aniga ayaa duhurkii la hadlay oo u sheegay in ay arrinkaa wax kala socdaan iyo in kale. Waxa ay ii sheegeen in dhulka oo dhan ufooyin iyo roobab haystaan oo aannay waxba kala socon dhibaatadaas qoysaska ku dhacdayโ€. Maamulka oo aannu isku daynay in aannu la xidhiidhno ayaannay noo suurogalin.

Si kastaba ha ahaatee iyaga oo raxmaadka Eebe ku mahadnaqaya ayaa qoysaskan xoolahoodii dhibaatadu ka soo gaadhay roobabku ay maamulka degmada, kuwa gobolka iyo xukuumadda Somalilandba ka codsanayaan in loo soo gurmado oo la eego dhibta soo gaadhay iyo sidii wax loogala qaban lahaa.