LAASCAANOOD: Ganacsato Yar-yar oo Lacago loo Qaybiyey

0

Laascaanood (SLpost) โ€” Guddiga horumarinta gobolka Sool ee Tala-wadaagย  iyo hayโ€™adda DDG ayaa lacag dhan 25,000 oo doollar shalay u qaybiyay ganacsato yar-yar oo ka hawl billaabay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaddib tababar u soconayay muddo shan cisho ah.

Tababarkan oo ku saabsanaa sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadda ganacsiga ayaa waxaa ka faaโ€™iidaystay 50-ruux, waxaana mid kasta la guddoonsiiya $500 si ay ugu kabaan hawlaha ganacsi ee ay gacanta ku hayaan.

 

Guddoomiyaha Jaamacadda Nugaal, Prof C/risaaq Lafoole oo hay’adda DDG u wakiilatay qaybinta lacagta ayaa tilmaamay in gobolka Sool uu yahay mid laga hir-galin karo horumar baaxad leh, isagoo xusay in hay’adda DDG ay fulinaysay tababarkan, isla markaana ay maal-galinaysay. Wuxuuna kula dardaarmay gancsatada inay ka faaโ€™iidaystaan fursaddan.

 

Sidoo kale, guddoomiyahahay’ada DDG ayaa u mahad-celisay cid kasta oo hir-galisay mashruucan iyadoo ka coddsatay inay sida ugu haboon uga faaโ€™iidaystaan dhaqaalahan gacanta loo galiyay iyo inay xoogga saaran inay ka mira-dhaliyaan mashaariicda ay billaabeen.

 

Ugu dambeyn, mashruucan ay hay’addu fulisay ayaa ah kii ugu horreeyay ee ay ka fuliso gobolka Sool oo baxad intaas ah leh, iyadoo DDG lagu tilmaami karo in ay tahay hayโ€™adda ugu firficoon xilliyadan dambe.