Kullan Loogu Ducaynayey Marxuum Suxufi Cawke oo Maraykanka lagu Qabtay

0

 

 

Minneapolis(SLpost)-Waxa xalay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota lagu qabtay kulan loogu duceynayay ALLAHA u Naxariistee, Wariye Axmed Xasan Suufi Cawke, waxaana kasoo qayb-galay suxufiyiin, abwaanno, fannaaniin, macallimiin & saaxiibo gooni ah oo uu lahaa.

 

Kulanka oo ay soo qaban-qaabiyeen bahda Saxaafadda Soomaaliyeed ee Minneapolis ayaa waxaa ka hadlay Sheekh Xasan Jaamici oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota, wuxuuna marxuumka Illaahey uga baryay inuu u dambi dhaafo, Jannadiina ugu bishaareeyo

Macallin Siciid Saalax ayaa isaga oo kulanka ka hadlaya sheegay in Cawke ahaa saaxiibka qof kasta oo Soomaaliyeed. โ€œWuxuu ahaa ninย ย wanaag iyo karti leh, waana ka xumahay geeridiisa, Illaaheyna waxaan uga baryeynaa inuu u naxariisgto,โ€ ayuu yiri Macallin Siciid Saalax

โ€œCawke wuxuu ahaa wariye waddani ah, aftahan ah, xigmad badan, fir-fircoon, mar kastana diyaar u ahaa shaqadiisaโ€ ayuu yidhi C/qaadir Mursal oo intaas ku daray. โ€œCawke sidoo kale wuxuu ahaa xirfadle saxaafadeed oo aqoonย ย durugsan u leh warbaahinta iyo dhaqankeedaโ€

Hibo Nuura iyo Cadar Kaahin oo ka mid ah fannaaniita Soomaaliyeed ayaa iyana sheegay inay aad uga naxeen geeridda Cawke. โ€œMagaca Hiba – Nuura – waxaa ii bixiyay Cawke, wuxuuna ahaa shaqsi igu weyn oo Soomaaliyeed, wuxuu ahaa nin cid kasta la kaftama.โ€

Ugu dambeyn, xubnihii kale ee ka hadlay Xuskaan ducada ah ayaa sidoo kale tacsi u diray xaaskii, carruurtii,ย eheladii, qaraabadiiย & saaxiibadii uu ka geeriyooday marxuum Axmed Xassan Cawke Allaha u naxariistee.