Kulan ay Goob Joog ka ahayd Dawladda Kuwait Oo Lagu Soo Shaaciyey Guul laga Gaadhay Dib-u-dhiska Madaarka Hargeysa

0

ย Hargeysaย (SLpost)- Kulan lagu soo shaaciyey in madaarka Hargeysa ee Cigaal International Airport uu dib u habayntii lagu sameeyay waafaqsanayd heerarka caalamiga ah ee madaarrada, ayaa xalay lagu qabtay xarunta Haโ€™yadda shaqaalaha dawladda ee Magaaladda Hargeysa.

Xafladaas waxa ka soo qeyb galay Wasiirro, Xildhibaano ka tirsan Guurtida iyo Wakiiladda, Wakiillo iyo khubaro ka socday Dawladda Kuwait ee maal-gelisay cariyaynta madaarka Hargeysa, wakiillo ka socday shirkadaha diyaaradaha iyo dadweyne tiro badan. Waxa ย kulankaasi tafaasiil lagaga bixiyay marxaladihii uu soo maray madaarka Hargeysa, iyadoo daboolka laga qaaday inaanay jirin wax tayo xumo ah oo ka jirtaa.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gaadiidka cirka Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka hadlay kulankaasiย  ayaa sheegay In wararka aan saxda ahayn ee laga baahiyay Madaarka Hargeysa ay ka dhalatay xog laโ€™aan haysay siyaasiyiintii dhaliilayay.

wasiirkaโ€œMunaasibaddan waxaannu ugu tallo-galnay in bulshada xog dheeraadย  ah ka siino sidii uu u qabsoomay mashruucii casriyaynta Madaarka caasimadda ee Cigaal Intertional Airport, oo beryahan dambe iyadoo aan xagayaga xog laga helin dacaayado faro badan laga fidiyay. Daraasad ayaanu samaynayย  si aanu u ogaano darreenkan laga bixiyay mashruucan. Waxa uu u badan yahay xogย  laโ€™aan. Waxa ka warami kara mashruucan khubarradii gacanta ku haysay iyo Injineero aqoon u leh, siyaasiyiin fadhi ku dirir meheradoodu tahay iyo rag nuxurkoodu ku ururay maxaa wax wanaagsan loo qabanayaa oo loo horumarayaa. Mashruucan kama warami karaan.โ€

Wakiilka Kuwait Fund ย iyo Haโ€™yadda NARCOย  Dr.Nabeel Abdulraheem isla markaana u qaabilsan oo xafladan ka hadlay ayaa sheegay Inย  casriyaynta Madaarka Hargeysa ย u hirgalay sidii loogu tallo-galay. Waxaanu cadeeyayย  inaanay jirin wax lacag ah oo laga lunsaday, iyadoo uu sheegay in maamulka lacagtaasi iyo sidii loo fulinayayba ay maamulaysay khubarro ka socota dawladda Kuwait.

kulankaWasiirka Qorshaynta qarankaย  Md. Sacadย  Cali Shirre oo ka hadlay kulankaasi ayaaย ย  wasaaradda duulista ku majeertay inay horumar ka samaysay dib u habaynta madaarrada Hargeysa iyo Berbera oo uu ku dooday inay yihiin kuwo mustawahoodu yahay heer caalami.

โ€œMadaarrada Hargeysa iyo Berbera marka loo eego sidii ay ahaayeen 2010-kii runtii farqi weyn ayaa u dhaxeeya halkay maanta taagan yihiin, waana madaarro caalami ah, waxa halkan laga cadeeyay in garoonka Hargeysa leeyahay tayadii laga rabay. Waxa kale oo la cadeeyay in aanay jirin wax lacag ah oo laga lunsaday dib u habayntii madaarka Hargeysa.

Sidoo kale waxa xafladaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Md. Axmed Dalal Faarax, oo ka waramay marxaladihii uu soo maray dib u habaynta madaarka Hargeysa iyo xaaladiisa xiligan oo uu tilmaamay inuu noqday madaar caalami ah oo ay soo fadhiisan karaan diyaaradaha xajmiga weyni.