Dimishiq, 24 January, 2012 (SLpost)- Dawladaha ku jira golaha iskaashiga khaliijka ayaa maantaย sida ay u dhan yihiinย kale baxay kormeeroyashoodii ka hawl galiย lahaaย dalka Suuriyaย si ayย xaalada runta ee jirta dalkaasiย uga soo warami lahaayeen , taas oo ay joogsatay hawshii jaamacadda carabtu u igmatay.
Dawlada Sacuudiga oo ka mid ah lixda wadan ee ku jiraย golahaasiย ayaa maalintii Axadii ku dhawaaqdayย in aan kormeeroyaal u dhashay Sacuudigu tageyn dalka Suuriya , taas oo ay maanta ku raaceenย shanta kale ee golahaasi ku jiraย .
Waxana xukuumada Sacuudiguย sheegtay hadiiย ayna xukuumada Suuriya Aqbalayn qorshaha cusub ee jaamacada carabta soo saartayย , ayna wax faaโido ahi ku jirinย in kormeeroyaal loo diro Dimishiq , iyagoo intaasi raaciyey in arimaha ka jira Suuriyaย loo diroย golaha amaanka ee qaramada midoobay si ay goโaan uga soo saaraan.
Arintani waxa ay ka dembaysay markii wasiirada jaamacada carabtuย soo saareen qorsheย cusub ooย ku baaqayaย in Madaxweyne Bashaar Al-Asadย xilka ku wereejiyo ku xigeenkiisa , kooxaha mucaaridkanaย todoba cishoย gudahooda kulaย heshiiyo iyo in la dhiso dawlad wadaagaย ah, qorshahaas oo suuriya ku gacan sadhay.
SOMALILANDPOST NEWS
webmaster@somalilandpost.net