Hargeysa (SLpost)- Cilmi-baadhis cusub ayaa daboolka ka qaadday saamaynta Caafimaad ee Soonka Bisha Ramadaan ku leeyahay Shaqada Beerka iyo Kelyaha.
Deraasaddan cusub oo aan nooceeda hore loo samayn kana shidaal qaadanaysa Fursad Aqooneed dihin oo aan hore loo daah-furin, waxa sameeyey khubaro caafimaad oo u dhashay Somaliland, waxa lagu ogaaday in isbeddel togan oo la taaban karo ku yimaaddo xaddiga dheecaannada beerka iyo Kelyaha muddada 30-ka sanno ee qofku sooman yahay.
Cilmi-baadhistan oo noqonaysa tii u horeysay nooceeda ee ay soo bandhigaan khubaro Soomaaliyeed, waxa ka qayb-qaatay Axmed Ismaaciil Maxamed, Jaamac Maxamed, Maxamed Muuse Cabdilaahi oo ah khubaro caafimaad oo ka tirsan Jaamacadda Hargeysa, Barkhad Aadan Cabdi oo ka tirsan Cusbitaalka Guud ee Hargeysa iyo Kalkidan Hassen Abate oo ka tirsan Jaamacadda Jimma ee dalka Ethiopia.
Ahmed Ismaaciil (Axmed Yasto) oo ka mid ah qoreyaasha Deraasaddan, ayaa si kooban uga warbixiyey hab-raacyadii loo maray Deraasaddan iyo natiijadii ka soo baxday, ayaa qoray sidan:- “๐๐ฅ๐๐๐ก ๐ฆ๐๐ก๐๐๐๐ข๐ข, waxa noo suuragashay in aanu daabacno deraasaddii kowaad ee nooceeda ah oo aan hore looga samayn guud ahaan caalamka (novel research). Deraasaddani waxa ay ku saabsanayd “๐๐๐๐ข๐๐ฎ๐ฃ๐ฉ๐ ๐ช๐ช ๐จ๐ค๐ค๐ฃ๐ ๐ ๐๐๐ข๐๐๐๐๐ฃ ๐ ๐ช ๐ก๐๐๐ฎ๐๐๐๐ฎ ๐จ๐๐๐ฆ๐๐๐ ๐๐๐๐ง๐ ๐ ๐๐ฎ๐ค ๐ ๐๐ก๐ฎ๐๐๐”.
Dabayaaqadii sannadkii tagay ayaanu sahamiyay xagal cusub oo ay ka jirto fursad aqooneed (๐๐ง๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐ ๐ ๐ ๐๐ฉ) oo aanay cid hore isku dayin in ay ka war keento. Waxa aanu qiyaasaynay in halkaa aanu ka heli karno natiijooyin cusub (๐๐จ๐ฏ๐๐ฅ ๐๐ข๐ง๐๐ข๐ง๐ ๐ฌ) oo wax wayn ku kordhiya aqoonta uu Aadamuhu u leeyahay wax tarka caafimaad ee soonka, noocyadiisa kala duwan.
๐๐๐-๐ซ๐๐๐๐ D๐๐ซ๐๐๐ฌ๐๐๐๐๐ง (M๐๐ญ๐ก๐จ๐๐ฌ)
Laba wiig ka hor Ramadaantii sannadkan ayaanu diwaan galinnay 62 nin oo miisaan culus (Overweight and Obese Males) oo caafimaad ahaanna bad qaba. Maadaama ay iyaga laftoodu xiiseeynayeen in ay ogaadaan xaaladda caafimaad ee beerkooda iyo kalyohoodaba, dhammaantood way naga aqbaleen in ay ka qayb qaataan deraasaddan.
Labadii cisho ee ugu horeeyay Ramadaan (1aad, 2aad) iyo labadii cisho ee u danbeeyay (28aad, 29aad) ayaanu ka qaadnay xog isku mid ah iyo baadhitaanno xaga dhiigga ah. Waxa aanu is barbardhignay doorsoomeyaashii aanu cabiraynay Ramadaan ka hor iyo kadib annaga oo adeegsanayna qiyaasaha istaatistikada horumarsan (๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐๐) si aanu u ogaanno farqiga celceliska xaddiga dheecaannada beerka iyo kalyaha ee Ramadaan ka hor iyo Ramadaan ka dib.
๐๐๐ญ๐ข๐ข๐ฃ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐ (๐๐ข๐ง๐๐ข๐ง๐ ๐ฌ).
Sidii aanu filaynay, waxa ay deraasaddani muujisay in ay isbedello togan oo la taaban karaa ku yimiddeen xaddiga dheecannada beerka iyo kalyaha muddadii 30ka cisho ahayd ee uu qofku soomanaa.
Deraasaddan waxa daabacay majaladda lagu magacaabo ๐๐ฎ๐ฆ๐๐ง ๐๐ฎ๐ญ๐ซ๐ข๐ญ๐ข๐จ๐ง ๐๐ง๐ ๐๐๐ญ๐๐๐จ๐ฅ๐ข๐ฌ๐ฆ oo joornaallada jiilka kobaad ah (๐๐) kana tirsan shirkadda ๐๐ฅ๐ฌ๐๐ฏ๐ข๐๐ซ oo ah tan ugu magaca dheer shirkadaha wax daabaca, guud ahaan caalamka.
Halkan ka dajiso waraaqdan oo PDF ah.
https://doi.org/10.1016/j.hnm.2023.200227
https://www.sciencedirect.com/science/article/pii/S2666149723000440?via%3Dihub