Burco (SLpost)- Shil baabuur oo ka dhacay agagaarka Wershadda Taydha Ileys iyo Hotel City Plaza ee magaalada Burco, ayaa sababay dhaawaca todoba qof oo qaarkood xaaladdooda caafimaad aad u ย culustahay.
Shilkan oo ay sababeeyey saddex baabuur oo Laba ka mid ahi yihiin nooca Xamuulka Qaada ย iyo baabuur Surf ah, ayaa sababay inay ku dhaawacmaan todobo qof, kuwaas oo wakhtigan xaaladdooda caafimaad lagula tacaalayo cusbitaalka Guud ee magaalada Burco.
Ciidanka ilaalada Nabad-Galyada Wadooyinka, guddomiye ku xigenka gobolka togdheer iyo Qaar ka Tirsan Xildhibanada Golaha Degaanka Burco iyo masuliyin kale, ayaa isla markiiba gaadhay goobta Shilku ka dhacay.
Guddoomiye ku xigeenka G/Togdheer Maxamed Maxamuud Yusuf (Ubaxle) oo ka hadlay shilkani sababay dhawaca ayaa xusay inay ciidanka nabad-galyada waddooyinku ay wadaan sidii uu u dhacay Shilkani.Waxaanu Gudomiye ku xigeenku ciidanka wadooyinka usoo jediyay inay kiiskaasi si wafaqsan sharciga u qaadaan.
Mr Ubaxle ayaa sidoo kale ka dhawajiyay in Todobada Qof ee ku dhawacmay Shilkaasi ay afar ka mid ah ay yihiin kuwo ay Halis tahay Xaaladooda Caafimaad halka Sadexda kalena dhawacoodu Fudud Yahay.
Xildhibaan Shiine Faliidh oo ka mid ah Xildhibanada Golaha Degaanka Burco oo isna ka hadlay Goobta dhacay shilkani, ayaa Darawalada wada gadiidka kala duwan ugu baaqay inay ka taxadaraan wakhtiga ay ku jiraan Taraagga iyo wakhtiga ay marayaan magaalooyinka Gudahooda.
Maaha markii u horreysay ee Shil noocan ahi ka dhaco agagaarka Wershadda Taydha ee Ileys ee magaalada Burco, waxaana dhowr dhowr jeer oo hore ka dhacay Shilal baabuur oo khasaare dhimasho iyo dhaawacba isugu jira ka dhasheen.
Dhanka kale, todobaadkii hore ayay ahayd markii shilal baabuur oo kala duwan ka dhaceen Jidka u dhexeeya magaalooyinka Gabiley iyo Hargeysa iyo sidoo kale Gagoori iyo Laascaanood.
Shilka ka dhacay Hargeysa iyo Gebiley Dhexdooda, gaar ahaan deegaanka Cara-Yaanbo ee Duleedka Arabsiyo, ayaa waxa ku dhintay todoba qof Qof halka lix kalena ku dhaawacmeen, ka dib markii ay isku dhaceen laba baabuur oo xamuul ah.
Sidoo kale shilka ka dhacay duleedka degmada Yagoori, oo ay ku dhaawacmeen lix qof, ka dib markii Markii ay is galeen laba Baabuur oo Noocoodu kala Yahay Toyota Landcuriser uu leeyahay Taliyaha Saldhiga 7aad ee Ciidamada Qaranka iyo Gaadhi Noociisu yahay Mini Bas oo Rakaab siday.
SOMALILANDPOST.NET