Khasaaraha ka Dhashay Isku-dhac laba beelood ku dhex-maray Gobolka Sool iyo Xog-warranka Badhasaabka Gobolkaas oo ka hadlay

0

Hargeysa (SLpost)- Sagaal ruux ayaa la sheegayย  in ay ku dhinteen shaqaaqo dhexmartay laba beeloodย  meesha loo yaqaano dharkayn-geenyo ooย  ka tirsan gobolka Sool, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.ย ย  sida uu noo xaqiijiyay Guddoomiyahaย  gobolka Sool Musate Cabdi Ciise (Mustafe-shiine).

ShiineDagaalka dhexmaray labada beelood ayaa la sheegay in uu ka bilaabmay khilaaf ka dhashay Maq ayย  u kala qaadanayeen dhibaato hore u dhexmartay labdaasi beelood. Isagoo xusay guddoomiyuhu in gudiga nabadgeliyadda ee gobolka Sool ay isla shalay ka fadhiisteen arrintaasi isla markaana ay ka soo saareen gโ€™aamo lagu deminayo colaadaasi.Guddoomiyaha gobolka Sool Mustafe Cabdi Ciise,ย  ooย  xalay khadka telefoonka ugu waramay wargayska DAWAN.isagoo joogay magaaladda Laascaanood. Waxa uu yidhiย ย  โ€Dagaalka saaka (shalay) ka dhacay Dharkayn-geenyo waa mid jira,ย  waxaanu ka bilaabmay xoolo mageed oo lagu kala qaadanayey dhib hore oo labadaa dhinac u kala gaadhay ilaa iyo hadda tirada dhimashada ee aanu ka maamul ahaan haynaa waa 9 nin labada dhinacba.

Iyadooย  ay jirto tiro ka badinaysaa waayo waxaanu ka war haynaa in dagaalku laba jeer dhacay oo galabtaย  (shalay galab) goor gaaban dagaal danbe dhacay. Halkaย  dhaawucuna uu tiradaa ka badan yahay mana jirro wax dhaawac ah oo magaalada Laascaanood na loogu keenay.โ€

Waxaย  kaleย  oo gudoomiyuhuย  uu sheegay inย ย  gudida nabadgelyada gobolku ka fadhiisteen goโ€™aamana ka soo saareenย  deminta iyo wax ka qabashadda arrintaasi, goโ€™aamadaasi oo ay ka mid yihiin โ€œIn maadaama magaalada Laascaanood labada reer-ba joogaan ciidanka, hubka, saanadaย  iyo sahaydaba intaba ay ka heli karaan oo ay u taalo in aanu xidhno dhamaan dariiqyada oo dhan si aanay xoojin u helin, sidoo kalena guddi ahaan waxaan soo saarnay baaq nabadeed oo ku wajahan labada dhinacโ€ ayuu yidhi Mustafe-shiine.

Badhasaabku waxa uu intaasi ku darayaย  in ay xukuumada sare iyo wasaaradooda arrimaha gudaha la socodsiiyeen kana sugayaan amar iyo goโ€™aan wasaaradeed iyo mid xukuumadeedba taasna ay si dhaqso ah uga sugayaan jawaab ay ku hawlgalaan.

Dhinaca kale garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe oo ka mid ah madaxda dhaqanka ee gobolka Buuhoodle, ayaa baaq nabadeed u diray beelaha shaqaaqadu dhex martay, waxaanu yidhiย  โ€œWaxaanu ku baaqaynaa anigoo ku hadlaya afka madaxda dhaqanka ee gobolka iyo deegaankaba in colaaddaas la joojiyo, xabada qoriga laga saaro, noloshana uu qorigu u danbeeyo.ย  Sidooย  kale ay yihiin dad walaalo ah ood-wadaag ah ceel iyo carshinba wadaaga, wiil, abti,ย  seedi iyo sodog isku yihiin ILLAAHAYย  waxaan uga baryeynaa inuu kala qaboojiyo oo nabad iyo maslaxad khayr qabtanaย  kala dhex dhigo.โ€