Hargeysa (SLpost)- Allah [SWT] ha u naxariistee waxa caawa magaalada Hargeysa ku geeriyoootay Fannaanaddii Caanka ahayd ee Khadra Daahir Cige.
Marxuumadda ayaa muddooyinkii u dambeeyey xaalad caafimaad u jiiftay Cusbitaal ku yaalla magaalada Hargeysa.
Eebbe Naxariista Jannooyinkiisa hawgu deeqo’e, Marxuumadda oo Door muhiim ah ku lahayd kobocii Fanka Soomaalida, waxa ay fanka ku soo biirtay sannadkii 1974-kii.
Khadra Daahir Cige ayaa xilliga ay fanka ku soo biirtay ku jirtay waxbarashada Dugsiga Dhexe oo ay kaga jirtay Dugsiga Biyo-dhacay-ga Sare ee magaalada Hargeysa, waxaana la sheegaa in heesteedii u horeysay oo ahayd Hees Waddani ah uu u dhiibay macalinkeedii maaddadda Carabiga oo sabab u ahaa inay ku biirto fanka oo ay aad u jeclayd. waxbarashada Dugs
Allah ha u naxariistee Khadra Daahir Cige oo muddo 25-sanno ah ku noolayd Qurbaha kaddib burburkii dowladdii Soomaaliya, waxa ay fanka ka fadhiisatay sannadkii 2002-dii, iyadoo muddooyinkii u dambeeyey ku nooleyd magaalada Hargeysa oo fadhigeedu ahaa, marka laga reebo inay mararka qaarkood u safri jirtay Qurbaha oo carruurteedu ku nooshahay.
Bahda warbaahinta Somalilandpost waxa ay tacsi u dirayaan dhammaanka Qoyska, Ehelka, Asxaabta, Shacabka Somaliland iyo Guud ahaan umadda Soomaaliyeed oo aanu ka tacsiyeynayno Geerida ku timi Marxuumadda oo Baal-Dahab ah oo Bilan oo ku lahayd Kobocii Fanka Soomaalida. Eebbe (SWT) inuu u dambi-dhaafo oo janooyinkiisa Geeyo, ayaynu ka baryaynaa. Aamiin.
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net