Nairobi (SLpost)- Dawladda Kenya ayaa ka noqotay goโaankii ay hore ugu shaacisay in qaxoontiga Soomaalida ah ee xerada Dhadhaab saddex bilood gudahood dalkooda loogu celiyo.
Jariirada The Standard ee kasoo baxda dalka Kenya oo sheegtay inay soo xiganayso saraakiil dawladdaas ayaa qortay inaanay dawladdu qasbi doonin dadka qaxoontiga ah ee ku jira xeryaha Dhadhaab, balse ay iyagu iskood ugu laaban doonaan dalkooda hooyo.
Madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa hore u sheegay in saddex bilood gudahood qaxoontiga Dhadhaab dib loogu celin doono dalka Soomaaliya, taasoo warwar ku abuurtay qaxoontigaas.
Hayโaddaha samo-falka iyo xuquuqda aadamaha ayaa culays ku saaraya xukuumadda Kenya inay si rasmi ah uga noqoto goโaankaas, isla markaana ay ilaaliso xeerarka qaxoontiga adduunka.
Somalilandpost.net