USA(SLPOST)Waxaa dhawaan geeriyooday jilaagii ku caan baxay Xayeysiinta Sigaarka โMarlboroโ Eric Lawson, ka dib wakhti dheer oo jilaagu la tacaalayay cudur ka haleelay Sambabada.
Eric Lawson ayaa ku soo caan baxay xayeysiinta sigaaraa Marlboro todobaatameeyadi, Ericย waxa uu ku geeriyooday daโda 72-jir, geeridiisa waxaa la ogaaday Usbuuc ka dib iyadoo xaaskiisu qarisay.
Eric Lawson waxaa kale oo uu caan ku ahaa jilista musalsalada Telefashinada, isagoo fanka iska casilay 1997-ki, markii uu ku dhaawacmay sawirka filim uu xiligaas jilayay .