Burco(SLpost)-Musharaxa madaxweynaha ee Xisbiga UCID, Jamaal Cali Xuseen ayaa deeq buugaag ah gaadhsiiyey maktabadda naadiga akhriska iyo qoraalka HALKARAAN ee Burco. Waxaana munaasibaddan ka soo qaybgalay madaxda xisbiga UCID, musharaxa iyo xubnaha naadiga.
Jamaal Cali Xuseen oo ugu horayn halkaa ka hadlay ayaa waxa uu yidhi βMaanta waxaan xarunta naadiga HALKARAAN ku gudoonsiinaynaa laba buug oo hadyad ah oo kala ah Buugga laga qoray Xaaji Faarax Oomaar oo halgamaa reer Somaliland ah ahaa kana mid ahaa raggii ugu horeeyay ee Sharciga barta soomaalida iyo buuga laga qoray Jaamac Maxamuud Xayd oo haystay baanka Jabuuti (AHN labadoodaba e). Akhrisku waa waxa kaliyaata ee nolosha wax laga badali karoβ
βAkhristaha wanaagsan uun baa noqon kara qoraa wanaagsanβ Ayuu yidhi Musharax Jamaal Cali Xuseen.
Bashiir Raacdeeye oo ah gudoomiyaha naadiga HALKARAAN ayaa u mahadnaqay musharaxa iyo waftiga uu hogaaminayaba waxaana uu yidhi βAniga oo ku hadlaya afka naadiga Halkaraan waxa aannu aad ugu mahadnaqaynaa Aqoonyahan Jamaal iyo waftiga uu hogaaminayo waxaanna aannu ka guddoonay buugaagtaa tirada badan ee faaβiidada noo leh annaga iyo dadka maktabadda wax ku akhristabaβ
Jamaal Cali Xuseen ayaa hore u qoray buugga Diiwaanka qosolka oo ka kooban laba daabacaddood, sidoo kale waa hal-abuur sameeya midhaha heeso badan uu leeyahayna lagu luuqeeyo.
Somalilandpost Office, 2015