Jaamac Shabeel Oo Mucaaridka Ku Eedeeyay In Ay Ka Baxeen Heshiiskii Ay La Galeen Xukuumadda iyo KULMIYE

0

Hargeysa, (SLpost)- Xisbiga KULMIYE ayaa labadda xisbiย  mucaarad ee WADDANI iyo UCID ku eedeeyay in ay ka baxeen heshiiskii ay wada jirka u ย gaadheen saddexda xisbi qaran iyoย  xukuumaddu.

Heshiiskaasi oo ahaaย  ย in doorashooyinku ay dalka ka qabsoomaan bisha December 2016-ka, sidaasina waxaa sheegayย  guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cigge(Jaamac shabeel) ooย  xalay khadka telefoonka ugu waramay DAWAN.

โ€œXukuumadda iyo xisbigeedda KULMIYE mawqifkoodu wuu cad yahay arrintaana heshiis ayaa laga gaadhay,ย  oo la wada galay.ย  dhankayagana heshiiskaasi waa sidaanu u galnay anaga (xukuumadda iyo KULMIYE) ayay noo taallaa sidaanu u fulinayno.ย  Laakiinย  cidda ka baxday iyaga ayay u taallaa wax aanu ka baxnayย  oo xagayaga ka yimidna ma jiroโ€ ayuu yidhi Jaamac Shabeel.

Isagooย  hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi โ€œGoโ€™aanka guurtida cidda diiday iyagaa og waxay yeelayaan go,aankaasina waa mid sharci ah anaga ayaanay too taalla sidaanu isu waafajinaynoย ย una diyaara labadaba in aanu fulinoย ย labada xisbi mucaaridna waxaanu kula heshiinay waanu fulinaynaa hadday iyagu diidaanna waxaan u aragnaa in ay iyagu ka bexeen.โ€

Sidoo kale Jaamac Shabeel,ย  oo la waydiiyay in ay mar kale wada hadal la furayaan axsaabta mucaaridka ah iyo in kale mar haddii uu muran ka dhashay heshiiskii hore.

Waxa uu ku jawaabay โ€œWada hadal marbaa la furay waanu dhamaaday waxna waa lagu heshiiyay heshiiskii aanu wada galnay fulintiisuna waa naga diyaarย ย wadaย ย hadal kalena ma jiro oo wax laga wada hadlo oo kale anagu(KULMIYE)ย ย garan mayno kol haddii aanu diyaar u nahay fulinta waxaanu ku heshiinay cidda ka baxdayna iyagay u taalla โ€ayuu yidhi Jaamac Ismaaciil Cigge.

Dhinaca kale guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE waxa uu jawaab ka bixiyay hadal dhawaan ka soo yeedhayย  ย kooxdaย ย la baxday Madasha Wadatashiga. Kaasi oo ahaaย  ย in xubno ka tirsan kooxda la baxday madasha wadatashiga oo sheegay in ay masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda ka dacweeyeenย  dawladda Ingiriiska.

โ€œHaddii ย la iskaย ย hadlayoย ย wax kasta waa la iska odhan karaa, ย waana hadal aan macno lahayn oo la iska yidhi sababtoo ah Xukuumadda talada haysa iyo xisbigeeda KULMIYEย ย waxayย hoggaanka dalka kula wareegeen doorasho ay dadkoodu ku doorteen.

ย Waxaanay ย haystaan kalsoonida shacabkooda waxaana hubaal ah in imikana ay bulshadu diyaar uย ย tahay in ay mar kale Xukuumadda iyo KULMIYE codkooda kuย ย ninkaย ย yidhi cid baan ingiriis ka dacweeyay waa nin kalsooniย ย ka waayay shicibkiisa oo cidlaย ย ku wareegaysanayaย ย Ingiriiska ay leeyihiin waanu ka dacwaynayna dacwad loo gudbiyay Somaliland waxba laguma yeeli karo midda kale ingiriisย ย horta intaan cid laga dacwayn ma yahay dal ina aqoonsan.

ย Dal ย aan Somaliland-ba aqoonsanayn masuuliyiin ayaan ka dacwaynay waa hadal tiro iyo nin albaab xidhan oo silsilado ku qufulan garaacaya markaa iska garaac ayaan leeyahay gacmuhu ha kugu daalaanโ€ayuu yidhi guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE.

ย Source: DAWAN