Isu socodkii Wadooyinka Ee Hargaysa Oo Mar Markale La Bedalay

0

Hargeysa, (SLpost)- Maayar ku xigeenka caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi oo ay weheliyaan xoghayaha fulinta dawlada hoose, hogaanka ciidanka nabad-gelyada wadooyinka iyo qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha deegaankaΒ  ayaa ku dhawaaqay in isbedal lagu samayn doonoΒ  jihada loo maro wadada wadnaha ee caasimadda.Maayar Ku xigeenka Hargeysa

Maayar ku xigeenka iyo xubnahan kale ee wehelinayey oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta dawladda hoose ee Hargeysa ayaa waxay ku shaaciyeen qorshahan wax ka bedalka loogu samayno wadada wadnaha ee magaalada Hargeysa oo la bedalayo jihada ay baabuurtu u maraan.

Ugu horayna waxa shirkan jaraa’id ka hadlay maayar ku xigeenka caasimada Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi kaas ooΒ  faahfaahin ka bixiyeyΒ  sida ay ku timid in mar labaad la bedalo qaabka wado marista ee caasimada waxaanu yidhi β€œShir ay galeen guddida bilicda caasimada Hargeysa oo ah heer qaran ayaa waxa lagu gorfeeyey arrinkii tijaabada ahaa ee labada waddo, wadada wadnaha ee u socotayΒ  dhinaca galbeed iyo wadada labaad oo u socotay dhinaca bariga, in labadaas wado dhinacyada ay iskaga imanayaan uu ka dhacay is waydaar, haddaba tijaabadii la qaadayΒ  ka bacdi in laga badalo qaabka ay imika u shaqeeyaan isla markaana u maraan, wadada wadnaha ama wadada koowaad waxa loo socdaa dhinaca galbeed, laakiin imika waxa loo socon doonaa dhinaca bari, wadada labaad ee u socon jirtay dhinaca bari hada waxay u socon doontaa dhinaca galbeed, waxaanan dadweynaha ugu bushaaraynayaa in lagu guulaystay tijaabadii, in shilal yar oo ka dhacay halka ay isku waydaaranayaan wadooyinkani awgeed iyo talo badan oo aanu galnay in la go’aansadayΒ  wax ka badalkaas lagu sameeyo habka wado marista ee wadooyinkaas.”

Maayar ku xigeenka caasimada Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciiyey β€œAniga oo ku hadlaya afka duqa caasimada Hargeysa xildhibaanadii iyo ciidankii nabad galyada wadooyinkuna fadhiyaan, laga bilaabo maanta waxaanu dadweynaha ugu bushaaraynaynaa in wadooyinka sidaas loo mari doono laakiin waxaanu siinaynaaΒ  mudo, inta ka hadhay ciida laga bilaabo maalinta sadexaad ee ciida, ciidanka nabad galyadu wadooyinku waxay ku amran yihiin inay gaadiidka duwaan una duwaan meelaha loogu tala galay, waxaana raaci doona wadooyin gudba, wada guddida doorashooyinka hor marta sideedii ayey ahaanaysaa, wadada gargaar ka timaada ee markii hore aan la ogolayn hada sideedii ayey u socon doontaa, waxaanan todobaadkan gudihisa soo bandhigi doonaaΒ  nashqadihii wadooyinka oo sawiro ah.”

Sidoo kale taliyaha ciidanka nabad galyada wadooyinka gaashaanle dhexeΒ  Faysal XiisΒ  oo isaguna ka hadlay shirkan jaraa’id ayaa sheegayΒ  inay ciidanka nabad galyada wadooyinku fulin doonaan amarka ka soo baxay dawlada hoose ee caasimada waxaanu yidhi β€œ Amarkaas ka soo baxay dawlada hoose ee caasimadaΒ  ciidanka nabad galyada wadooyinku waxay ku khasban yihiin inay fuliyaan, dhibaatooyinka hor yaala wadooyinka waxa ka mid ahΒ  darawalada oo baabuurta dhiga wadada dhexdeeda, meheradihii oo ku soo durkaya wadooyinkaΒ  waxaanay u baahan yihiin in wax laga qabto” ayuu yidhi taliyaha ciidanka nabad galyada wadooyinka somalilandΒ  gaashaanle dhexe Faysal Xiis.

Sidoo kale waxa shirkan jaraa’id ka hadlay qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka caasimada Hargeysa, madax dhaqameed iyo masuuliyiin kale kuwaas oo dhamaantood soo dhaweeyey nidaamkan cusub ee loo rogayoΒ  marida wadooyinka muhiimka ah ee caasimada Hargeysa.