Gaza(SLpost)-Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa saaka duqeyn xaga cirka ah ka geystay Marinka Gaza, iyagoo sheegay in ay ka jawaabayaan gantaal laga soo ganay halkaasi oo ku dhacay gudaha Israa’iil.
Goobjoogayaal ku sugan Gaza ayaa sheegay in duqeymaha qaar lagu bartilmaameedsaday xarumo ay Xamaas leedahay oo ku yaalla Gaza.
Ma jirto cid sheegatay in ay masโuul ka tahay gantaallada laga riday Gaza, oo ay Israa’iil sheegtay in laga hortagay oo hawada lagu burburiyay.
Ururka Xamaas ayaa sheegay inay faaruqiyeen xarumahooda iyagoo ka cabsi qabay weerar uga yimaada Israaโiil kaddib markii gantaal laga riday Gaza uu ku dhacay Israaโiil.
Duqeynta ayaa ku soo beegmeysa xilli la filayo in maanta calanka Falstiiniyiinta laga qotomiyo barxadda hore ee Qaramada Midoobay kaddib markii xubnaha Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ay u codeeyeen in calanka Falastiiniyiinta la garab suro calamada dowladaha la aqoonsan yahay.
Masโuuliyiinta Falastiiniyiinta ayaa tallabada maanta ku tilmaamay mid horumar weyn u ah “halgankooda”.