Israaโ€™iil oo Shuruud nacayb Falastiiniyiinta u hayso ka tarjumaya ku xidhay Safiir Cusub oo Dawladda New Zealand u magacowda dalkaas

0

new zeaWellington (SLpost)- Dawladda Israaโ€™iil, ayaa ku gacan saydhay Safiir cusub oo waddan New Zealand u magacaabay inuu u qaabilsanaado waddankaas, ka dib Markii ay dawladda Yuhuuddu ku sababaysay inuu yahay ergay dalkaas u qaabilsan maamulka Falastiiniyiinta.

Safiirka Cusub ee New Zealand u magacowday Israaโ€™iil todobaadkan oo magaciisa la yidhaahdo Jonathan Curr, ayaa laga beddelay safiirka Turkiga u qaabilsan oo tan iyo 2008-dii uu hayay xilkaas, waxaanu sidoo kale arrimaha Falastiiniyiinta u qaabilsanaa dawladda New Zealand.

Wasaaradda Arrimaha dibadda New Zealand, ayaa shaacisay goโ€™aanka Israaโ€™iil ku qaaddacday dibloomasiga oo u diyaar-garoobayey inuu waraaqihiisa magacaabista u gudbiyey madaxweynaha dalka Israaโ€™iil.

โ€œDhowr maalmood ka hor, Israaโ€™iil waxa ay u soo jeedisay New Zealand inaanay safiir ahaan u aqbalay qof sidoo kale ah wakiil dawladdiisa u qaabilsan maamulka Falastiiniyiin,โ€ sidaa waxa yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Murray McCully.

Dhinaca kale, afhayeen u hadlay wasaaradda Arrimaha dibadda Israโ€™iil ayaa goโ€™aan ku tilmaamay mid ka tarjumaya qorshaha siyaasadeed ee ah inaanay wasaarad ahaan dalkooda u ogolaanin dibloomasiyiinta dalalkooda ugu magacaaban maamulka Falastiiniyiinta.

โ€œWaxaanu leenahay siyaasad la wada-ogyahay. Tani maaha mid loola jeedo New Zealand,โ€ sidaa waxa yidhi Emmaneul Nahshon, afhayeenka u hadlay wasaaradda Arrimaha dibadda Israaโ€™iil.

Tallaabadan dawladda Israaโ€™iil goโ€™aan ku qaadatay, ayaa noqonaysay markii u horeysay ee qaaddacdo dibloomaasi waddankaasi u magacaabay, iyada oo ay hore u jireen laba safiir oo ka horeeyey Jonathan Curr, kuwaas oo sidoo kale u qaabilsanaa dawladda New Zealand arrimaha maamulka Falastiiniyiinta, waxaana sababta lagu sheegay dawladda Israaโ€™iil oo aan ka war-haynin

Safaaradda Israaโ€™iil ku leedahay caasimadda dalka New Zealand ee Wellington, ayaa arrintan ku tilmaantay inaanay wax xidhiidh ah la lahayn xidhiidhka ka dhexeeya labada waddan.

Raysal-wasaaraha New Zealand, John Key oo la weydiiyey inay tallaabadani ka tarjumayso farriin dawladda Israaโ€™iil arrimo siyaasadeed uga jeeddo, ayaa sheegay inuu ku hawlan yahay ururinta macluumaadka la xidhiidha qadiyadda si baadhis loogu sameeyo ujeeddooyinka dibloomasiyadeed ee israaโ€™iil uga dan leedahay. Raysalwasaare Key waxa uu qirtay in dawladdiisa loo arkay mid taageersan qadiyadda Falastiin wixii ka horeeyey sannadkii 2012-kii, xilligaas oo ay ku jirtay 138 waddan oo ogolaaday in maamulka Falastiin xubin Kor-joogto ah ku yeeshay Qaramada Midoobay.

Waddanka New Zealand oo ku yaala Bariga Adduunka, waxa ay xuduud xagga badda ah wadaagaan dalka Australia.

SOMALILANDPOST.NET