Tel Aviv (SLpost)- Wasaaradda Tacliinta ee dalka Israaโiil, ayaa diiday codsi lagu dalbaday in dugsiyada man-hajkooda waxbarasho lagu daro buug ka waramay qiso jacayl ah oo dhexmartay wiil reer Falastiin ah iyo gabadh Yuhuudiyad ah, kadib markii ay ka cabsatay wasaaradu in ardaydu is dhex gasho, isna dhaqan fahmaan.
Wargeyska maalinlaha ah ee Haaretz oo ugu caansan dalka Israaโiil oo Mankaab soo xigtay, ayaa soo daabacay warqad ay Wasaaraddu ku diiday dalabkaas, kuna sheegtay in aan buuggaagta noocan ah ardayda la bari karin, maskaxdoodana lagu beddeli karin.
Buugga sida gaarka ah loo dalbaday oo la yidhaa Dorit Rabinya โGader Hayaโ, caankana ku ah magaca โHedgegrow, balse Luuqadda English lagu yidhaa โBorderliveโ oo noqonaysa โNoloshii Xuduudaโ, balse Wasaaraddu ka saartay man-hajka waxbarashada, iyadoo ka cabsi qabta in Carabta iyo Yuhuudu isu soo dhawaato oo ardaydoodu ogolaadaan dadka Carabta ah.
Wasaaraddu ma ay caddayn in ay ka cabsi qabto in jinsiyada amma dhaladnimada ardaydooda iyo aaminsanaanta Yuhuudinimada in arrintan khatargelinayso oo ay ka cabsi qabaan in Carabtu si toos ah ay isu dhexgalaan, balse macalllimiinta ayaa buuggan codsaday in lagu daro buuggaagta Wasaaradda ee ardaydu akhrisanayaan.
Buuggan la yidhaa โBorderlifeโ ee Noloshii Xuduuda oo ku qoran luqadda Yuhuudda ee Hebrew oo uu turjumay nin Israaโiili ah, kaasoo ka sheekaynaya farshaxan reer Falastiin ah oo jeclaaday gabadh Yuhuudiyad ah oo ku nool magaalada New York ee dalka Maraykanka, jacaylkooduna socday ilaa intii ay Tel Aviv ku soo noqonaysay, halka uu isaguna ku noolaa daanta galbeed ee magaalada Ramallah.
Buuggan waxa uu sannadkan ku guulaystay abaalmarinta la yidhaa Bernstein Prize ee lagu maamuuso qorayaasha daโda yar.
Xigasho Maankaab