Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlay Sababta ku kalliftay inuu Markii Shanaad Isu Soo Sharraxo Xilka Madaxweynaha

0

 

Djibouti (SLpost)- Madaxweynaha Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa lagu wadaa in uu markii shanaad u tartamo xilka Madaxweynaha dalkaas oo uu soo hayay tan iyo 1999, iyadoo la filyay in uu marka isaga fadhiisanayo doorashada.

Madaxweyne Geelle oo Shalay u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC ayaa sheegay in sababta uu markii shanaad isku soo sharraxay tahay rabitaan ka yimid dadka reer Jabuuti oo sida uu hadalka u dhigay ku khasbay in kursiga banaynin ee uu mar shanaad isku soo sharraxo xilka Madaxweyne-nimo.

โ€Annaga oo aan hadlin dadka iyaga ayaaba codsaday in aan mar kale tartamo oo yidhi nala joog oo ha tagin, sidaa daraadeed waxaan goโ€™aansaday in aan tartamo markii ugu danbeysayโ€ ayuu yidhi Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha Janhuuriyadda Somaliland Md. Ismaaciil Cumar Geelle, dalka Jabuuti xukumayey illaa 1999-kii oo loo doortay Madaxweyne, markana waa markoii shanaad uu u tartamayo xilka Madaxweyne-nimo.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net