Jabuuri (SLpost) – Khilaaf culus, ayaa ka dhex qarxay dawladaha Jabuuti iyo Itoobiya.
Khilaafkan oo huursanaa, ayaa dibedda u soo baxay, ka dib markii Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu bixiyey waraysi weerar ku ah Itoobiya.
Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo waraysi siiyay jariirradda afka Faransiiska ku baxda ee Jeune Afrique, ayaa markii u horreysay shaaciyey in Itoobiya dhawaan u dirtay Jabuuti wafdi siday codsi ay Itoobiya ku dalbanayso inay Jabuuti ka hesho deked iyo saldhig ciidanka badda ah oo ay ku yeelanayso magaalada Tadjourah.
Geelle oo hadalkiisu u muuqdo mid uu ku weerarrayo Itoobiya, ayaa sheegay Xukuumaddiisa oo ilaalinaysa madax-banaanida dalka & ka talinta kaabayaasha istaraatijiga ah inay Jabuuti si rasmi ah u diidday codsigaasi.
“Itoobiya waxay noo soo dirtay wefdi codsi la yaab leh wata, kaasi oo ah in la sameeyo marin ay si buuxda u maamusho, oo ka bilowda xadka Itoobiya kuna dhammaada Tadjourah, iyo in la siiyo fasax ay saldhig ciidan kaga dhisato badda. Tani ma ahayn wax aan isla ogayn. Sidaas darteed, arrintan waan diidnay…Waxaan u sheegnay Itoobiya in Jabuuti ayna ahayn sida gobolka Crimea.” ayuu Geelle u sheegay Jeune Afrique.
Sidoo kale, Madaxweyne Geelle wuxuu xusay in Jabuuti ayna aqbalaynin wax faragelin ah oo ay dawlado shisheeye ku sameeyaan arrimaheeda gudaha, isagoo tusaale u soo qaatay heshiiskii ay Jabuuti ka baxday ee shirkadda DP World ee Imaaraadka laga leeyahay.
Laakiin, falanqeeyayaasha siyaasadda gobolka Geeska Afrika, ayaa sheegaya in hadalka Geelle uu yahay mid uu kaga hor-tagayo heshiiska badda iyo aqoonsiga ee Somaliland kaasi oo Itoobiya doonayso dhamaystirto.
Falanqeeyayaashu waxay tilmaameen in hadalka Geelle ee ah in Itoobiya ka dalbatay dhul xidhiidhsan dekedda Tajoora illaa xadka Itoobiya iyo saldhig badda oo ay si madax-banaan u maamulato aanay waxba ka jirin, balse uu ugu talo-galay inuu shacabka Somaliland u tuso heshiiska Itoobiya ee la dhamaystirayo inuu dalkooda khatar ku yahay, isagoo waraysiga si ku talo-gal ah ugu soo beegay xilligan oo uu dib u soo laba-kacleeyay heshiiska badda iyo aqoonsiga ee Somaliland la gashay Itoobiya.
Laakiin, sida ay sheegeen falanqeeyayaasha gobolku, tallaaabooyinka Madaxweynaha Jabuuti, ayaa Itoobiya ku riixi kara inay si deg-deg ah u hirgeliso heshiiska Somaliland isla-markaana isticmaalkeeda dekedaha Jabuuti ay joojiso, una soo wareegto dekedda Berbera ee Somaliland.