Iska hor-imaad sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo laba Beelood ku dhexmaray Killalka Shanaad ee Itoobiya

0

Balli-Gubadle (SLpost)- Labaย  Ruuxย  ayaa ku dhintayย  mid kalena waxa soo gaadhay dhaawac, ka dib markii sida la sheegay Duhurnimadiiย  shalayย  ay niman hubaysani rasaas ku fureenย  Xaafado Xoolo-dhaqato ah meesha la yidhaahdo Dacawalay oo ka tirsan deegaanka Abbokor Axmed ee killalka shanaad ee Itoobiya.

Sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah Odayaasha deegaanka gobolka Hawd, iska hor imaadka ayaa ka dhacay Tuulada Dacawalayย  ooย  dhinaca Galbeed kaga beegan Degmadda Abbokor Axmed oo ka tirsan deegaanka Ismaamulka Soomaalida Killalka Shanaad ee dalka Itoobiya..

Wararka laga helayno deegaankaasi waxa kale oo ay sheegayaan in is rasaasayntaasi ay ku dhinteen laba nin oo magacyadoodu kala ahaayeen Marxuum Yuusuf Axmed (Jees) iyo marxuum Axmed Muxumed Sheekh Xuseen, waxaana la caddeeyay in ay dhinteen, halka uuย  dhaawac halis ahi soo gaadhay Yuusuf Qodax oo labadaasi marxuum la joogay. Meydka Labada marxuum iyo dhaawaca ninkaasi ayaa la sheegay in la soo gaadhsiiyay xalay ahaan degmadda Laanqayta oo ka tirsan killalka shanaad ee Itoobiya, halkaas oo Meydka labadaasi ninย  lagu aasi doono.

Ma jiro illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulkaย  deeegaanka uu dilku ka dhacay iyo beelahaย  uu dilkani dhex maray toona.

Bilihii ugu dambeeyay ayaa waxa degaankaasiย  ka taagnaa cabsi iyada oo ay labada beelood ee ay ka soo jeedaan nimanka la dilay iyo kuwa dilka geystay,ย  uuย  dhawaan dhex marayย  dagaal fool ka fool ah. Dagaalkaasi oo ku dhex marayย  deegaanka Abbokor Axmed,ย ย  waxaanaย  dagaalkaasi labada beelood ka soo gaadhay khasaare dhimasho iyo dhaawacba isugu jira.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.et