Bismilahi raxmani raxiim
Quraanku waa dawada quluubta. Waa hubaal inaad akhristoow igu raacsantahay in umad muslim ah oo aan kor u qaadin quraanku ay wax badani ka dhimanyihiin.
Waxaan sidaa u leeyahay xukuumada maanta jirta ka hor maynaan lahaan jirin IDAACAD QURAโAAN markaa miyaanay waxqabad fiicanay ahayn?.
Maalin dhawayd anigoo arin igu rafanayo ayaan guriga imi markaasaan is idhi seexo , gaw hurdoba igu soo dhici wayday markaasaan shiday idaacada QURAโAAN-KA KARIIMKA ah ee fm markaasuu ย qalbigu i xasilay oon hurdo gamay.
Kadib ayaan xasuustay inaan qodobkaa ka ilaabay inaan ku daro laba maqaal oo aan ku qoray SAXANSAXO cadadkiisii {2101} iyo HIMILO cadadkiisii{43} oo ku taariikhaysan 25 February 2014 . oo ka hadlaayay wax-qabadka xukuumada iyo shakhsiyada madaxweynaha.
Kolay shaydaankaa ย i ilawsiiyey qodobkaa muhiimka ah.
Umadda muslimka ah QURAโAANKU wuxuu u yahay waxyaabo badan sida:-
Dawada quluubta
Cibro iyo waano
Sharci iyo nidaam
Qisaskii umadahii inaga horeeyey
Bilaayo xijaabo
Ilaahayna qofka kor u qaada wuu ciseeyaa aduun iyo aakhiro.
Hubaashii xukuumada madaxweyne AXMED SILANYO kor bay u qaaday QURAโAANKII oo waataa hadh iyo habeenba laga haqab beelay dhagaysiga QURAโAANKA KARIIMKA ah iyadoon loo baahan cajalad,cd,flash,memory midna.
Sidaa awgeed waxaanu madaxweynaha iyo xukuumadaba uga mahad celinaynaa IDAACADA QURAโAANKA
Waxaanan madaxweynaha ugu ducaynayaa arinkaasi ilayn wakii nebigeenu (NNKHA) lahaa waxa madaxdiina ugu khayr badan kuwa aad u ducaysaan ee idiin duceeya.
Waxaanu madaxweyne ilaahay kaaga baryayaa inuu miisaanka kugu daro aakhiro QURAโAANKAA aad wadanka gaadhsiisay adiga iyo wasiiradaadaba.
Amiina .
QORE: KHALID MAXAMED AYJEEX
TEL:0634782392