Waa subaxnimadii arbcaad, 14/04/2013 waxa aan sidii caadada ahayd aan ku soo jarmaaday dhinaca suuqa hoose ,gaar ahaan faras-maagalaha ama hadaan si kale u dhigo goobaha wargaysyadaΒ kala duwan ee magaalada ka soo baxa lagu gado Β [news stands]. Waxa ay ishaydu qabatay bogga hore ee wargayska hubaalΒ oo Β xalay abaaro 11:00 habeenimo lagu soo qaaday weerar hubaysan oo ay fulinayeen laba nin oo madaxa soo duubtay.
Waaban argagaxay oo waxaan is idhi malaha al-shabaabtii xamar lagu soo jabiyay ayaa idinku soo butaacday oo weerardii muqdisho hadhka cad lays toogan jiray bay is yidhaahdeen halkan [Somaliland] maalintiiΒ dadka oo dhan baa bilays ahe habeenkii uun madaxa u u duubta ilayn kuwani [suxufiyiinta] maaha looma ooyaankii aad muqdisho aad dharaarta cad aad toogan jirteene.
Ishayda ayaan lasii raacay warkan argagaxa leh ,waaba nin jiifa oo u muuqda sidii oo uu cabaadayo,quful,mobile iyo muuqaale kale oo ka turjumaaya sida ay wax u dhaceen. Waxa uu wargaysku si tifaftiran oo ay ka muuqato ruugcadaanimo u soo bandhigay waxa dhay,sida ay u dhacday,cida samaysay,sida ay uga badbaadeen weerrkaa bahalnimada ah ee aan taalo loo dhigan,cida loo aanaynaynayo iyo sidii si nabad galya ugu wareejiyeen ciidamada amaanka ee hawshani khusayso.
Waxba yaanan qalin taraarine waxa uu hadalba iga soo bixi waayay markii aan ku warhelay in cida madaxa soo duubatay ee aan al-shabaabta u haystay noqotay ciidankii ammaanka ee iyaga taajir iyo faqiirba lagu ladi lahaa.
Waxa aan xasuustay hees erayadeeda ay ka mid ahaayeen ;
Biβiwaa aduunyooy,
Maxaad laba boglaysaa ,
Hawlahaagu badanaaβ
Waxa lagu xusay warbixintaas in cida soo abaabushay [mastermind] uu ka mid yahay hawlwadeenada qasriga madaxtooda.oo madaxtooyadina ma bahalo galeen bay notay?bal adbaβ¦β¦β¦
Waxa layidhi ;βnin gunti xumi in uu qarsanayaa la moodaaβ
Madaxtooyadu miyaanay ahayn halkii umadada u dhaxaysay madax iyo minjaba?
Maxaa ay iskaga faydi laβdahay ceebtan dul hoganaysa?
Balwaayee yaa loo caban doonaa allah ka sokaw ilayn sidani waa; βarag maqal afkana dhawrβeβ
Mee baarlamaankii dawladii rayaalaba iska dhigi jiray qaar u heelan wixii loo igmaday ee mudada dheer bacadka iyo
Maantaabay la yimaadeen marka aanu kuraasidaanu ku raagnay markaanu faarujinana mushaharkagii uu noo soconayaa ,waar yaa yidhaahda βtimirtii horeba dab loo waaβ kiiniyaatigiiba waa kuwii hungoobaye dadka uun haysa sii nacsiinina horaba tacab khasaar baa intiina badan laga joogaaye.
Madaxwayne siilaanyo iyo xisbigiisa kulmiye miyaanay ahayn kuwii ay saxaafadda madaxabanani u ahayd baalasha kaliya ee ay ku duuli jireen?
Waxa aan xasuustay heestii c\laahi cabdi shube ee ay ka mid ahaayeen;
βcabashiyo iyo caloolyaw,
Ciil kaama biβiyaan,
Talo cayn wareegtana,
La iskuma canaanto,
Cirku nimuu ku soo dumay,
Cidi kama dulqaado,
Dhulku nimuu la ciirana,
Laga caawin maayo,
Anna caawa taydii,
Iyadaa I cuslaysoo ,
cidna eersan mayo,β
waa nasiib-darro in kulmiye sidii loogu lisay aanay u hanbayn.
Waxa aan aad ula yaabanahay ilawshiya dhawida kulmiye, shalay ayuun bay ahayd kolkay rayaale dhagaha kaga qaylinayeen ee ay lahayeen saxaafadda la cabudhinayaa inta iyaguna xabad u soo qaateen.
Ilawshiya dhawida kulmiye iyo waxa ay cago ku qaataan malaha waxa haboon in aan ku tilmaamo, ilawshiyaha gabadha dumarka ah oo kale marka ay umusho,taas oo la sheego in ay goβaan gadho ah in aan ilaahay markale ku celin ninkaas,hadana sunnaha nolasha ayaan saacidayn oo dhibkii shalayba martay maβmoodid.
Abwaankii waynaa ee salaam carabay ayaa isaga arintaa ka hadlaya waxa tix uu tiriyay tuducyadeeda ka mid ahaa;
βdumarkuba xubnaha foosha,
Way xanaf wareeraan,
Bal in ay xasuus daranyihiin,
Xaylka kale moog,β.
Hadii ay xukuumada u gadhwadeenka ka yahay madaxwayne siilaanyo tahli ka riwayday daryeelka suxufiga iyo saxafda waayaha iyo duruufaha adag ku shaqeeya in ay daryeelkooda u darbanaato waxa aanu cod dheer iyo mid gaabanba ku sheegaynaa in lasoo afjro tacadiga iyo tabashooyinka saxaafadda.
Talaw intaasuun maka helaynaa?sawkii salaam carabay lahaa β Β βwaxba yaanu xilkay imarin,
Xoolana isiine,
Xaasheβe nin libin kaa xisdiyay,
Xumihii kaa xisdiyay,
Xumihii waa yaab,β
Gedgadoonka wakhtiga iyo waayaha nolasha waa mid ku baraaya si dhega furnaan leh in aad Β u dhugato una dheehato halka u ay Β u dhiman tahay in dhiisha laga dhawro.
In maanta madaxwayne siilaanyooo ah rugcadaa siyaasadeed ay xukuumadiisu noqoto tii ugu habdhaqanka xumayd ee soo marta saxaafadda Somaliland tan iyo intii ay Somaliland jirtay.
Laakiin ha ogaadaan in wixii ay maanta dhigtaan nuun uu u yaalo oo bari ka maalin lagula xisaabtami doono.
Waxaa aan maankayga ka bixin oo igu soo noqnoqonaysa erayadii abwaankii soomaliyeed lahaa;
βtaariikhdu waa buug ,ninkii baal ka marayoowe,
Waa baadi sooc lagu gartaa,kii bulsho u roone,
Waa been ma sheektiyo,run aan cidina gaadhayne,
Waa beer waxaad falataa,kaaga soo baxaβe,
Waa baan waxaad dhigataybaa,boodhka kuugu yaale,
Barta weeye labadii isbida,lagu bardadshaaye,β
Saxaafaddu waa wax aanay haba yaraatee gayin waxa lagulaΒ kacayo mana anay galabsan.
Ma jiryo waxa laysku dhaafayaa waa lawada leeyahay hadii ay cidi xoog wax ku muquuninayso siyaad barre ayaa wax ku heli lahaa.
Yaanay moodin dadka saxaafadda u amar ku taaglaynaya in ayΒ waligood ku fadhiyayaan.
Waxa aan kula talinayaa dhamaan saxafiyiinta,qorayaasha,aqoonyahanka iyo cid kasta oo u heelan daryeelka iyo difaacida xoryatul qawlka in ay u istaagaan una hiiliyaan warkayska hubaal.
Maxamed Xasan Daacad
Freelance journalist
Email;daacad409@hotmail.com
Mobile;4091192