Boorama, (SLpost)- Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa sheegay inay qabteen hub kala duwan oo ay ka mid yihiin hoobiyeyaal, kaasoo lagu qabtay meel ka mid ah buuraleyda gobolkaas.
โCiidanka booliska ayaa soo qabtay hubkan, waxaana ku jira hubkan waxyaabo qarxa, kuwaasoo ah nooc loo adeegsan karo buundooyinka iyo meelo kale. Waxa kale oo ku jira hoobiyeyaal iyo rasaas.โ ayuu yidhi guddoomiyuhu.
Guddoomiye Ramaax ayaa sheegay in hubkani aanu wax xidhiidh ah la lahayn khilaafkii dhawaan ka dhashay buurta Siimoodi iyo Suldaan Wabar arrintiisa, waxaanu yidhi. โArrintani lama xidhiidho khilaafkii ka dhashay buurta Siimoodi, taasina cabasho ayuun bay ahayd waana la dhameeyay. Sidoo kalena xidhiidh lama laha arrinta Wabar.
Dawlad ahaan waxa ugu horeeya ee aanu u xil-saaranahay waa mudnaanta inaanu siino nabadgelyada, hub aan ku jirin gacanta dawladdana cid kasta iyo meel kasta waa la qabanayaa.โ
Somalilandpost.net