Hargeysa(SLpost):-guddida qaban qaabada shirweynaha xisbiga Kulmiye ayaa goor dhawayd ku dhawaaqay inuu dib u dhacay shirweynihii xisbiga Kulmiye oo ku beegnaa inuu qabsoomo 25/12/2013.
Guddoomiyaha gudda qaban qaabada shirweynaha xisbiga Kulmiye Axmed Cali Maxamuud Β iyo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Β oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday dib u dhaca ku yimid qabsoomida shirweynaha xisbiga Kulmiye, oo ay haatan ka hadhsan tahay oo kaliyaΒ saacado koobani.
Ugu horayn gudoomiyaha guddida qaban qaabada shirweynaha xisbiga Kulmiye Axmed Cali Maxamuud oo ka hadlaya dib u dhaca ku yimid shirweynaha xisbiga ayaa waxa uu yidhi ” saaka waxaanu furanay shirkii guddida qaban qaabada, qabsoomidii shirweynaha oo mudadiisii hoosta naga soo gashay darteed waxaanu go,aan ku gaadhnay Β in 21/1/2014 Β uu qabsoomo shirweynihii xisbiga Kulmiye. ayuu yidhi gudoomiyaha guddida qaban qaabada shirweynah xisbiga Kulmiye.
Sidoo kale guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isagunaΒ la hadlay warbaahinta Β ayaa guddida uga mahad celiyey wakhtiga ay u qabteen qabsoomida shirweynaha xisbiga waxaanu yidhi “Aad ayaan ugu mahad naqayaa guddida qaban qaabada shirweynaha oo ilaa shalay dedaalaysay oo isku yimid samaystaynaΒ qorshayaashii ay ku shaqayn lahaayeen iyo guddoomiyayaashoodii, waynu daahnay waana qasab inaynu dib u dhacno shirka intaas leeg miisaanka leh sababo badan awgeed”.
Β Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye oo hadalkiisa sii wata ayaa ayaa u guddida qaban qaabada uga mahad celiyey wakhtiga ay u qabteen inuu qabsoomo shirweynaha xisbiga KulmiyeΒ waxaanu yidhi ” waxaan aan Β idiinka mahad naqayaa inaad keenteen wakhti ku haboon 21/01/2014 Β waana mudo dhaw marka la eego hawsha idiin taala oo ah hawl badan sida kalana wayΒ dheer tahay oo waa mudo dheer hase yeesheeΒ waxaanu idinku raacaynaa tiisa, waxa inoo go,aan ah inaynuΒ shirka xisbiga qabano wakhtigaas,Β qaban qaabada shirkuna idinka ayey idinku dhacaysaa waxaanan jecelnahay inayΒ cid waliba gacan idinku siisoΒ sidii aad u gudanΒ lahayd waajibaadka idin saran, waana shir weyn oo ay iskugu imanayaan dad badan, waanan idiin ducanaynaa dadka reer Kulmiye-naΒ ee walaacsanaana waxaan leeyahay hawshii way dhamaatay”. Ayuu yidhi guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye.
Somalilandpost.net
Hargaysa