Heblaayo ii baadh! โ€“ W/Q: Cali Coomay

0

Waa galab, abbaaro 4:30-kii waxaan saf ugu jiraa xawaaladda Dahabshiil, qaybteeda gar-gaar. Shan qof ayaa iga horeeya, laba dumar ah, oo aan daโ€™doodu kula qiyaasay afartan jir iyo konton jir, iyo saddex nin oo iyana daโ€™doodu ku qiyaasay shan iyo afartan jir iyo lixdan jir. Waxa iga dambeeya laba hablood oo iyana daโ€™dooda ku qiyaasay labaatan jir iyo soddon jir. Dadka waxa ka muuqataย ย  qadarin,ย  qiimayn,ย  quudaryn,ย  quluub fiicni,qaayo wacnaan iyo ixtiraam. Shaqaalaha waxa iyana ka muuqata deganaan, dadnimo, dulqaadnimo, deeqsinimo, daacadnimo, diir-nax, dabacsanaanย  iyo dawladnimo. Goobtan waxa ku sugan dad aan badnayn. Laba odey ayaa fadhiya laba kursi oo dhinaca galbeed ka soo jeeda, ma wada hadlayaan, mid kastaa si degan ayuu wax u sugayaa. Dhinaca koonfureed waxa taagan gabadh sidata shandad weyn oo cadar kala nooc ahi ka soo kamkamayo. Meeshii oo dhan ayuu qabsaday.

Waxay xidhan tahay dhar gaagaaban, hadalka kor ayey u qaadaysaa, oo dadkii oo dhan ayaa kolba eegay. Waxaan u maleeyey inay qurbaha ka timid. Markay hadlayso waxay isku dhexdaraysaa af-soomaali iyo kelmado af-faranji ah. Nin iga horeeyey ayaa si hoose u yidhi โ€œgabadhan hadalka dhaadheeri maxay ahayd?โ€. Gabadh iga dambaysay ayaa ugu af-celisayโ€ waa kuwan dibada ka yimid ee dhaqankii gaalada soo waaridayโ€. Ka dib nin isna xaga hore safka kaga jiray ayaa soo galay hadalkii oo yidhiโ€ waar xanta iska daaya, oo dadka faraha ha galininaโ€. Waxa markiiba kula booday gabadhii ku xigtay oo tidhiโ€ wax jira ayaa la sheegayaa, oo xumaanta waa in laga hadlo, ee dadka afka ha qabanin.โ€ Ninkii intuu yaabay, ayuu dib u soo eegay waanuย  iska aamusay. Wuxuu u muuqday nin wadaad ah, oo dambiga jooji is-lahaa,balse waxbaa ka raacay.

Gabadhii doodda dhalisay ayaa dhammaysatay hawsheedii, waanay iska baxday. Gabadhii ninka ku aamusiisay ayaa isha la sii raacday waxayna tidhiโ€ bisinka, naa ma geed bay ka boodaysaa, way wada xaydatayโ€. Intii ka ag-dhawayd ayaa qosol wadareed jaanta wadhay. Safkii ayaa fududaaday, oo hal qof ayaa iga horeeya, xaga dambena dad badan ayaa ku soo kordhay, oo qiyaas ahaan ilaa toban ayaa iga dambeeya. Iyadoo hadalkii yara goโ€™ay ayuu hal-mar daf na soo yidhi, nin maqiiqan, oo aan cidna waxba isaga tirinayni. Wuxuu isku maqiiqay ninkii dadka u adeegayey, waxaanu deg-deg qoorta ula galay daaqadii, markiiba wuxuu ku bilaabayโ€ heblaayo ii baadhโ€. Ninkii iga horeeyey ayaa si cadho leh ugu yidhiโ€ waa lagaa horeeya, ee safka soo galโ€. Umu jawaabin, tiisa ayuu iska watay.

Mar kale ayey gabadh iga dambaysay ku tidhiโ€ safka ixtiraam waa lagaa horeeyaa, safka dambena soo gal. Intuu idho aan seexan ku eegay ayuu ku yidhiโ€ hadalka yaraysoโ€. Gabadhii ayaa ka sastay indhaha, wayna iska aamustay. Aniga oo hadalkii soo wata, ayuu nin xaga dambe safka kaga jiray, soo booday kuna yidhiโ€ waar meeshu xero-jaadiiย  maahee dadka ixtiraam oo safka xaga dambe ka soo gal, xageed noo khasbaysaaโ€. Intuu in waxoogaa ah, yuusay ayuu meeshiiba isaga baxay. Ka dib waxa la galay falanqayn ninkii ku saabsan. Gabadha ayaa tidhiโ€ waa ninku muxuu ahaa?โ€. Oday ka horeeyey ayaa ugu af-celiyey โ€œ dee jaadle ayuu ahaa, sowkii sidii xero-jaada inoola dhaqmay.โ€ Oo xero-jaadu ma sidanaa la isu-boobaaโ€, ayey tidhi. Odaygiiย  ayaa ugu af-celiyey โ€œ ilaahay kuma geeye, waa meel aan laga sheekayn karin.โ€ Ninkii iga horyeeyey ayaa ku raagay, oo waxa la weydiinayey dhawr suโ€™alood. Ka dib gabadh iga dambaysay ayaa tidhiโ€ oo ninkan hawshiisu badanaaโ€.

Ka dib oday ka dambeeyey ayaa ugu jawaabayโ€ samir , ileyn hawshiisa ha loo dhameeye, samirkaa inagu yar, waa kii ina cabdulle xasan yidhiโ€ iidoor sal-fududaa wuxuu sugayoย  muu dhawro.โ€ Gabadhii hadalkii odayga way ku qanacday, balse nin daโ€™dhexe ahaa, oo odayga ka sii dambeeyey ayaa ka booday hadalka ina cabdulle xasan waxaanu yidhiโ€ ina cabdulle xasan tuug ayuu ahaa waxaanu doonayey inuu boqortooyo noqdo, taasina iidoorku way diideen, markaa hadalkiisa in la soo qaato maaha. Ka dib waxay dooddi ka dhexqaraxday ninkii iyo odaygii. Odaygii ayuu ku yidhiโ€ shalay ayaad dhalatay, oo waxba kamataqaanid ina cabdulle xasan, angu goobjoog ayaan ahaa, adiguna maad dhalan. Waxaanu intaasi raaciyey, aniga iga warayso.โ€ Iyadoo dooddu halkaasi maraysa, ayuu mid ka mid shaqaaluhu ka codsaday in hadalka hoos loo dhigo, maadaamo goobtu tahay xafiis shaqo. Waanay ka aqbaleen, oo hadalkii dhammaan wuu joogsaday. Ninkii iga horeeyey ayaa loo dhameeyey hawshisii, waanu soo baxay. Kolkii uu soo dhaqaaqay, ayey dadkii safka ku jiray dhammaan ku eegeen indho karaahiyo ku jirto, balse aan hadal socon. Anigaa galay oo hawshayday socotaa ee m haleelayo hadalke nabadeey.

Cali cabdi coomay

calicoomay@hotmail.com

Suxufi, qoraa ah.

B.A in journalism

Hargaysa, somaliland