Hay’adda Shaqaalaha Dowladda oo Shaaciyey Tirada Dadka Hawl-gabka noqonaya Sannadka Soo socda

0

 

Hargeysa (SLpost)- Dowladda Somaliland ayaa sheegtay inay sannadka dambe ee 2021-ka ay shaqada ka fadhiisanayso Dad gaadhaya 3000 qof, kuwaasi oo xilligaa gaadhaya daโ€™da Hawl-gabka ama ay la soo derseen Xaalado aanay ku sii shaqayn karin.

Dadka gaadhay daโ€™da hawl-gabka ayaa shaqooyinkii ay Qaranka u qaban jireen waxa fursad loo siinayaa dhallinyarada Somaliland oo xilligan fursadaha shaqadu cidhiidhi ku yihiin.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Farxaan Aadan Haybe

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA ayaa isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi โ€œSannadka soo socda ee 2021-ka waxa noo qorshaysan 3000 Qof inay ka baxaan Shaqaalaha Dawladda iyo Ciidammada, beddelkoodana ay galaan 3000 dhallinyaro ah oo Shaqaalaha Dawladda noqdo, Ciidammadana ku biira..โ€

Guddoomiye Farxaan Aadan Haybe wuxuu sheegay inay in arrintani hirgelayso marka Baarlamaanku uu ansixiyo Xeerka hawlgabka โ€œMarka ugu horraysa ee ay Waajibaadkooda sharci ka gutaan ee ay anixiyaan Baarlamaanku wuxuu noqon doonaa Xeer dhaqan-gal ah isaga iyo Siyaasadduba, Annaga ku talo-galkayagu waxa weeyaan in sannadkaa la bilaano..โ€

In shaqaale badan la dhimo waxay u baahan tahay shaqaale, laakiin Guddoomiyaha Hayโ€™adda shaqaaluhu wuxuu sheegay in lacagaha ugu badan ayย  ka iman doonaan Lacago yaryar oo laga jaro shaqaalaha.

โ€œWaxa Mushaharkooda laga jari doonaa 5%, Dawladduna waxay bixin doontaa 5-7%. Inta laga saari doono shaqada sannadka 2021-ka iyaga waxba laga jari maayo oo ma saamaynayso 5%-ta laga jarayo shaqaalaha, iyaga waxa hawl-gabkooda bixin doona kuwa shaqeeya, kuwa shaqeeyana waxa bixin doona kuwa beddelaya ee sii shaqayn doona,” Sidaas ayuu yidhi.

Somalilandpost.net