โDeeqda agabkan caafimaad waxay wax weyn ka tari-doonta baahiyaha caafimaad ee ka jira xanaanooyinka hooyada iyo dhalaanka ee Gobolka HAWDโ Mohamed Abdi Doorshaan.
Hargeysa (SLpost)- Hayโada waddaniga ee SOFHA oo ka shaqeysa arrimaha caafimaadka ayaa agab caafimaad iyo dawooyin ku wareejisay Isu-duwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka jamhuuriyadda Somaliland, ee Gobolka HAWD Mr. Axmed Cali Direyse.
Munaasibadii loo sameeyey wareejinta deeqda qalabka caafimaadka oo lagu qabtay maanta xarunta hayโada SOFHA ku leedahay Magaalada Hargeysa.
Maxamed Cabdi Doorshaan oo ka mida saraakiisha sar sare ee Hayโada SOFHA oo ku hadlayay af-ka hayโada ayaa sheegay inay agab caafimaad iyo dawooyin uu ku wareejiyay isu-duwaha wasaaradda horumarinta Caafimaadka, ee Gobolka HAWD Mr. Axmed Cali Direyse, taas oo wax weyn ka tari doonta baahida caafimaad eek a jirta Gobolka HAWD. โDeeqda agabkan caafimaad waxay wax weyn ka tari doonta baahiyaha caafimaad ee ka jira xanaanooyinka hooyada iyo dhalaanka ee tuulooyinka GUMBURAHA, Ina-CUNAAYE, iyo GUMAR,โ.ayuu yidhi.
Mr Doorshaan waxa uu sheegay inay hayโada Waddaniga ee SOFHA oo kaashanaysa hayโada Plan International inay mashruuc caafimaad ka waddo gobolka HAWD iyo maroodi-jeex, maaha markii kowaad ee agabkan caafimad oo kale ku wareejino gobolka HAWD, balse marar hore ayaanu deeqo caafimaad ku wareejinay.
Isu-duwaha wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland, ee Gobolka HAWD Mr. Axmed Cali Direyse ayaa waxa uu hayโada Waddaniga ee SOFHA uga mahad-celiyay agabka caafimaad iyo dawooyinka ee ay ku wareejisay iyo sida dhow ee ay ula shaqeyso, waxaanu yidhi โWaxaan saaka oo taariihdu tahay 5.3.2024 ay hayโda waddaniga SOFHA ay igu wareejisay dawo iyo qalabka lagu nadiifiyo Agabka lagaga shaqeeyo dhalitaanka hooyada.Waxaanay deeqdan qalabka caafimaad ay hayโada SOFHA ugu talo-gashay saddex xarumood oo ka mida xanaanooyinka hooyada iyo dhalaanka ee tuulooyinka GUMBURAHA, Ina-CUNAAYE, iyo GUMAR.โ
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi, โHayโda SOFHA waxay had iyo goor ka jawaabta baahida goobahaa Caafimaadka ee ku yaala gobolka HAWD,maaha markii ugu horeysay ee ay agab caafimaad ay ugu deeqdo xanaanooyinka (MCH) ku yaala Gobolka HAWD, oo si fiican ayay noola shaqeysaaโ
Isu-duwaha wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland, ee Gobolka HAWD Mr. Axmed Cali Direyse ayaa si fir-fircoon ugu adeega gobolka HAWD, isla markaana waxa uu al-baab walba u garaaca sidii xanaanooyinka caafimaadka ee hooyada iyo dhalaanka ee gobolka HAWD u heli lahaayeen agab caafimaad iyo dawooyin bulshada wax loogu qabto, waxaanu ugu baaqaya hayโadaha kale-na inay baahiyaha caafimaad ee ka jira gobolka inay wax kala qabtaan.