Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ee Somaliland, ayaa tababar ku saabsan qaabka loo isticmaalayo hanaan casriga ah oo Si online ah loogu bixinayo cashuuraha kala duwan u qabatay muwaadiniin Cashuur-bixiyeyaal ah.
Tababarkan oo noqonya kii labaad ee noociisa ah ee wasaaraddu qabato, ayaa ah nidaam cashuur-bixin casri ah oo Wasaaradda Maaliyaddu dhowaan daah-furtay, kaas oo noqonaya mid u sahla cashuur-bixiyuha inuu guto waajibaadkiisa cashuur bixineed isagoo ku sugan goobtiisa shaqo ama gurigiisa, waxaana nidaamkan ugu horeyn lagu fulinayaa bixinta cashuuraha macaashal-macaashka shaqaalaha iyo iibka.
Hanaankan ayaa sidoo kale cashuur-bixiyaha ka caawin doona helitaanka xogaha uu u baahanyahay sida; xeerarka iyo habraacyada cashuuraha, foomamka, hagaha xaqa iyo waajibaadka cashuur-bixiyaha, xidhiidhada, jidka loo raacayo cabashada, isagoo qaab is wada (automatic) ugu xisaabin doona xaddiga cashuureed ee laga rabo cashuur-bixiye kasta, iyo waliba arimo kalo la xidhiiha.
cashuur-bixiyeyaasha tabobarkan loo qabtay oo tiradoodu dhan tahay 60 qof, ayaa ka kala socday hayโadaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee Wadanka ka hawl-gala ee kaalinta hore ka galay u hogaansanaanta gudashada waajibaadka cashuur-bixinta Dalka, waxaana gabagabadii tababarka shahaadooyin lagu gudoonsiiyey ka soo qayb-galayaashii tababarka.
Barnaamijkan ayaa qayb ka ah hawlaha dib-u-habaynta maamulka maaliyadda Dalka qaybihiisa kala duwan, waxaana la rajaynayaa inuu wax weyn ka tari doono hore u dhigista habsami u socodka dakhliga dalka.
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net