Hargeysa (SLpost)- Garyaqaan Guuleed Dafac, ayaa faahfaahin ka bixiyey dhalinyaro darbi-jiif ah oo la horkeenay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, kaddib markii dhawaan loo xidh-xidhay markii ay bannaan-bax cabasho ah la hortageen Wasaaradda Arrimaha Bulshada Somaliland.