Hargeysa, 15 March, 2012 (SLpost)- Hantidhowrka guud ee qaranka Maxamuud Aw cabdi ayaa maanta warbaahinta qaranka uga warbixiyey baadhitaan ay ka wadeenย Xarunta Gobolka Awdal ee Magaalada Boorama .
Mudane Maxamuud Aw Cabdi waxa uu sheegay in ilaa hadda la ogaaday in xafiisyada dawladda Hoose ee Degmada Boorame ay lugta kula jiraan hawlo musuqmaasuq, isla markaana hantidhowrka guud ee Qaranku uu si rasmi ah ugu jeediyey eedayn ku saabsan inay adeegsadeen qoraalo been abuur ah oo ay ku lunsanayeen hantida qaranka.
Hantidhowrka guud waxa uu sheegay inay soo saareen liiska xubnaha masโuuliyiinta iyo shaqaalaha dawlada hoose ee Boorame ee eedaysan inay ku kaceen falalkan kuwaasoo magacyadoodu kala yihiin:
1. Cabdikariin Sh xasan Cismaan iyo
2. Cabdinaasir maxamuud Qawrax, oo labadooduba hore u ahaan jiray Xoghayeyaashaย dawlad hoose ee Magaalada Boorame.
3. Maxamed cali Khayre, Khasnajiga guud ee dawlada hoose ee Boorame.
4. Maxamed Xasan, oo ah Engineer-ka dawlada Hoose ee Boorame.
Hantidhowraha guud Mudane Maxamuud Aw cabdi waxa uu warbaahinta qaranka u sheegay inay hayโadaha ammaanka ka codsadeen in la soo qabto afartaasi ruux si cadaaladda loo hor geeyo.
Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa mudooyinkii u danbeeyayย hawlo baadhis maaliyadeed ka waday dawlada hoose ee boorame, waxana uu hantidhowraha guud cadeeyey in warbixin faahfaahsan ay ka bixin doonaan marka uu baadhitaankoodu soo gebageboobo.
SOMALILANDPOST.NET
webmaster@somalilandpost.net