Hargeysa (SLpost)- Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka, ayaa baadhis la xidhiidha hubin iyo sixid-maamul ka bilaabay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo ay ku jiraan Cusbitaalka Guud iyo Cusbitaalka Qaaxadda ee Hargeysa.
War-murtiyeed uu ku saxeexan yahay Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka Axmed Yuusuf Dirir, ayaa lagu sheegay in baadhista ay fuliyaan shaqaale ka tirsan Xafiiska Hanti-dhowrka Qaranka oo dhawaan lagu tabobaray nidaamka loo sameeyo Baadhisaha Caalamiga ah ee la xidhiidha musuq-maasuqa.
Waxa uu Hanti-dhowraha Guud ka codsaday masuuliyiinta Wasaaradda, hay’adaha dowladda iyo kuwa Caalamiga ah ee wada-shaqayntu ka dhaxayso Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka inay hawl-wadeennada Xafiiska Hanti-dhowrka la shaqeeyaan una fududeeyaan masuuliyadda hawsha loo xil-saaray muddada ay ku gudo-jiraan.
Warka qoraalka ah ee ka baxay xafiiska hanti-dhowraha Guud ayaa u qornaa sidan:-
“Xafiiska Hanti-Dhawrka Guud ee Qaranka isaga oo ka duulaya waajibaadka dastuuriga ah ee uu Qaranka u hayo wuxuu shaqo baadhis, hubin iyo sixid maamul leh ba ka bilaabay Xarunta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo uu ku jiro Cusbitaalka Guud iyo Cusbitaatka TB-da ee Caasimadda Hargeysa.
Waxa Xusid mudan in Saraakiisha baadhistan ka qayb-qaadanaysaa ay u badan yihiin hawl-waddeennadii bilihii u dambeeyay Lagu tababarayay habka iyo nimaadyada baadhisaha ee caalamiga ah, taasi oo soo dedajin doonta in ay inooga soo baxdo xarumaha aanu baadhista ka bilawnay sannadkan natiijo wax-ku-ool ah oo Ia Isku halayn karo.
Sidoo kale, waxaan si sharaf Leh uga codsanaynaa in ay wada-shaqaynta La bar-bar istaagaan dhammaan Hay’adaha Maxaliga ah, kuwa Caalamiga ah ee kaLa duwan ee taageera Wasaaradda Horumarinta Caaflmaadka, iyo xafiis kasta oo Looga baahdo xog-wadaagis La xidhiidha nooc kasta oo maaliyadeed, dhaqaaLe iyo lacageedba.
Waxa mudan iyana in aynu agaano Ujeeddada baadhista waxa weeye in aynu helno Jawi ka nabdoon nooc kasta oo ah wax-isdaba-marin, lana sugo habka Isla xisaabtanka lyo hirgelinta xeerarka La dagaalanka musuq-maasuqa, iyadoo La abuuray Jawiga lsla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta (Accountability and Transparency). Si Shacab-waynaha kale duwanna loogu sheego halkay gashay cashuurtoodii iyo waliba habka loo lsticmaalay Iyadoo mar walba la abuurayo kalsoonida dadwaynaha JSL gudo iyo dibedba, waajib Qaranna ay tahay in aynu dhisno, adkayno isla markaana aynu hagaajinno tiirarka Maamul-wanaagga qaranka.” Sidaas ayuu Hanti-dhowruhu ku sheegay qoraalkan oo uu soo saaray maanta oo taariikhdu tahay 10-ka Bisha March, 2020-ka.
Somalilandpost.net
editor@somalilandpost.net