Hargeysa, (SLpost)- 47 xubnood oo hore uga tirsanaa hal-doorkii xisbiga UCID ayaa si wada-jir ah daboolka uga qaaday inay si rasmi ah isaga casileen xubnimadii Xisbiga UCID isla markaana ay aqbaleen natiijadii ka soo baxday dacwaddii hortaallay maxkamadda sare ee Dalka.
Warsaxaafadeed ay soo saareen xubnahani ayaa u dhignaa sidan:-
βMaanta oo taariikhdu tahay 26/09/2011 waxaan shirkan jaraaid u qabanay in aanu kaga hadalno qodob hoos ku qoran
Maanta oo taariikhdu tahay 26/09/2011 waxaan shirkan jaraaid u qabanay in aanu kaga hadalno qodob hoos ku qoran:-
- In aan cadayn ka bixino lacagta faysal yidhi waalayga dhacay ee baryahan saxaafadu qaadaa dhigaysay, xafiisyo dhawr ah qayla dhaanta gaadhsiiyay dhawaana shir jaraaid ku qabteen xubno sheegtay in ay xisbiga ka mid yihiin xisaabaatkana aan waxaba ka aqoon.
- Waxaa la majaro habaabiyay goβaankii ka soo baxay 11/09/2011 Maxkamada Sare ee distooriga ah ee ku saabsanaa dacwadii Xisbiga Cadaalada iyo Dareyeelka (UCID) ka dhaxaysay.
- Maanta oo taariikhdu tahay 26/09/02011 sacaduna tahay βββββ waxa si rasmi ah xilalkii iyo Xubinimadii ay ka hayeen Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka (UCID) iska casilay 47 xubnood oo ka tirsan oo ah hormadii 1aad. Kuwaas oo ka kooban:-
β Hogaankii sare ee xisbiga markii laga reebo gudoomiyaha ku meelgaadhka ah Eng, Faysal Cali Waraabe.
β Waxaa iska casilay xubinimadii iyo xilkii fulinta 22 xubnood iyo 6 hogaanka sare oo isugeen ah 28 xubnod o fulinta halkan ku magacaaban.
β waxaa iska casilay xilkii iyo xubinimada UCID xubno ka tirsan golaha dhexe oo ka kooban 19 xubnood oo ka tirsan G/dhexe.
Qodobka 1aad: Daadafaynta lacagta uu sheegtay Gudoomiyaha ku meelgaadhka Eng, Faysal
Waxaa baryahan dambe saxaafada ku badnayd cambaarayn aan loo-meel dayin oo lagu sheegayo lacag faysal uu leeyahay oo lala baxay xisaabaadka xisbiga ku lahaa banigiga dhexe iyo xawaalada Almustaqbal; waxaanu u cadaynaynaa cid kasta oo dhawaaqaasi gaadhay inaanu warkaasi wax ka jirin iyo sida loo dhigayba. Hayβadaha xisaabaadka aanu ku lahayna aanay ahayn kuwa sharci daro iyo habkii loogu talagalay mid aan ahayn wax ku bixiya; waxaan ka raaligalinaynaa aflagaadada lagula kacay ee xaqiiqada ka fog.
- Cadayntii lacagtaas: lacagta xisaabaadkaad ku dhacday waxaa iska leh xisbiga UCID ee maaha wax shakhsi leeyahay, waxaana mudadan dambe u xilsaarnaa Gudoomiye ku Xigeenka 1aad Md, Aadan Maxamed Mire Waqaf lacag ka saarida oo loo igmaday, wixii xisaab celin ah iyo wixii qoraal ahna iyo cadaymo wax laga helayaa xisbiga iyadoo waafaqsan habkii iyo nidaamka loo dajiyay lagana raad raaci doona.
Lacagtaas waxay naga soo gashay kabka ay dawladu ku taageerto Xisbiyada Qaranka waxaanay ku dhacdaa xisaab No: 283 ee laanta labaad ayadoo Somaliland shilin ah kadibna waxaa loo badalaa lacag adag (hard currency) oo lagu shubo xisaab number 1744 ee xawaalada Almustaqbal. Lacagtaas ay labada ku kala sheegeen marna Dollar marka kalena Somaliland shilin waa lacag qodha oo wadartoodu noqonayso US $7000, waxayna ku baxdaa mushaharka shaqaalaha kirooyinka xafiisyada adeega xafiisyada sida stationary, laydhaka, biyaha, telephonada , media-ha iyo xafladaha/ martiqaadyadaβ¦β¦. IWM
Taasi oo xisaabcilinteedii loo gudbiyay cidii ay khusayso, lacagtii bishii july iyo August waxay ugu jirtaa xisaabta Xisbiga xisaab lambar 283 lacagtaas oo soo dhacday intii khilaafku jiray oo aanu awood u lahayn ka saaristeeda waxaanu ka doorbidnay in aynu sideedi hore u taalo maadaama khilaaf jiray waaan wax raadkeedina yaalo bangiga dhexe.
Maadaama wixii xisaab Celina aan xisbiga u soo gudbinay waxaa dhinaca kale iswaydiintu tahay gudoomiyaha ku meelgaadhka ah Eng, Faysal in sidoo kale wixii xisaab Celina u soo bandhigo xisbiga mudadii uu xilka hayaay iyo bilaha dambe ee lacagta ku jirto bangiga.
Qodobka 2aad : Turjumaada qaldan ee laga bixiyay Goβaankii Maxkamadda Dastuuriga ah:
Markii arintu cakirantey ee khilaafku faraha ka baxay waxa hogaankii ku meel gaadhka ahaa ee Xisbiga UCID isaga oo la tashanaya Guddida Fulinta, Guddiyada Gobolada iyo laamaha dibedda ee xisbiga arrintii u gudbiyeen Komishanka Doorashooyinka Qaranka kana codsadeen inay sugaan sharciyadda iyo cidda lagala xidhiidhayo arrimaha xisbiga UCID.
Komishanku wuxu markaas arrinta isu dhaafiyey Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka isagoo u arkey inay tahay hayβadda xaqa u leh ka garniqida iyo go,aan ka gaadhista qadiydaha noocan oo kale ah.
Anagoo xaq-dhowaryana dastuurka iyo garsoorka dalka waxanu ku waafaqnay Komishanka in maxkamadu noqoto halka lagu kala-baxayo. In kastoo isku dayeen odayaal guurti ah oo reeraysan ay noo yimaadeen kana gun gaadhi waayeen, markaas waxa xisbigu ku adkaystay in lagu goβo xukun maxkamadayd si loo kobciyo oo loo aqoonsado in aynu Qaran nahay sidaa awgeed la ixtiraamo Hayβadaha Qaranka.
Waxay ahayd, tusaale u noqosho iyo casharo dastuuri ah oo ummaddu inay barato waajib tahay; waxay kaloo ahayd in aan hawlaha siyaasadda iyo madaniga midna loola cararin geed hoostii oo aanu dhaqanku goβyn ee uu ka garnaqo garsoorka dalku, dhmaanteen aamino si loo koriyo awooda iyo kalsoonida waaxda garsoorka, arintaasina taariikhda Somaliland ayey ku xardhanaan doontaa.
Goβaanka Maxkamadu Riday
Sidaad kala socoteen qalabka warbaahinta ha noqdo TV, Radio, wargeys ama shabakada wararka goβaanka maxkamadu qodobadiisa ugu muhiimsan waxay u dhacay sidan:-
- In la diiday dacwadii labada dhinac iyo goβaamadii is khilaafsanaa ay soo saareen dhinacyadii is hayey.
- 2. Waxay goβaamisay in dhamaan hey,adaha Xisbiga UCID ee lagu doortay shirweynihii 2aad ee Xisbiga 27/06/2006 ay muddo dhaaf yihiin jiritaanka xaaladooda qaanuuneedna ay tahay mid ku-meel gaadh ah inta laga qabanayo shirweynaha Xisbiga.
- Waxay maxakamaddu go,aamisay in shirwaynihii xisbiga lagu qabto mudo 3 bilood gudahood oo ka bilaabanta maalinta go,aanka lagu dhawaaqayo oo ah 11/9/2011 , waxaanu shirweynuhu ka koobnaana doonaa xubnihii ka qayb qaybgaly shirweynaha 2aad intii ka nool.
- Qaban qaabada shirweynaha waxa loo raacayaa xeerka Xisbiga .
- 5. Waxa maxkamdu amartey in Xubnaha Fulinta iyo Golaha dhexe Gutaan waajibkooda sharci una hawl galaan qabashada shirwaynaha 3aad si loo ilaaliyo jiritaanka qaanuuneed ee xisbiga
Waxanu halkan bulshada uga cadaynaynaa in aan Faysal Xisbigii UCID loo xukumin sida uu meel kasta kaga dabaaldegay ee kaga faanay, kuna majaro habaabiyey bulshada sidaasna uu ku yahay gudoomiye ku meelgaadh ah labada bilood iyo badh ee uga hadhsan waqtigii maxkamada u qabtay in uu shirwaynaha qabsoomo.
Haddii goβaankaas sidiisa loo raaco Shirwaynahaas dadka xaqa u leh inay qabtaan ama ka qayb galaan 95% waa xubnaha halkan fadhiya iyo inta taageersan ee ku maqan dibadda iyo gobolada. Waxa dhinaca Faysal xaq u leh inay shirkaas ka qayb galaan isaga iyo xubno kale oo noqonayaan 5% tirada golaha dhexe ee wakhtigaas.
Shirkaas waxa ka qayb geli wixii ka nool dadkii ka qayb galay shirweynihii 2aad ee 2006 oo keliya liiskoodina lahayo balse aanay noqonayn dad hore leh oo imika la soo uruuriyo. Taas oo gaf ku ah 5 sanadood oo dib loo celiyay xisbiga balse qasab ah in loo hogaansamo goβaanka Maxkamadda dastuuriga.
Maxkamada Sare iyo Xeer ilaaliyaha Guud waajib baa ka saaran dabagalka iyo hirgalinta goβaanka maxkamadda.
Qodobka 3aad Goβaanka Xisbigu qaatey
Iyadoo ay sidaa tahay oo sharciyadii xisbigu naloo sugay. Hadana, kadib markii aanu derisnay ee talo-wadaag gelinay ee qiimaynay waxa ay naga sugayaan taageerayaasha xisbigu, aragnayna dareenka iyo yuhuunta bulshada oo noo han wayn waxanu goβaansanay:
- Inaan aqbalo goβaanka maxkamadda dastuuriga
- In sii jiitanka murankani keeni karo khalkhal nabadgelyo, isku dhac walaalo ma huraan ah iyo ka faaβiidaysi inta neceb nabada iyo xasiloonida Somaliland.
- In aan magacii iyo taariikhdii suubanayd ee bulshadeeno ku barteen xubnahan mudadii 10-ka sano ahayd lagu tirtirin muran aanu qayb ka nahay.
- In hankii, taageeradii iyo himiladdii xubnaha xisbigu u qabeen bulshada Somaliland aan lagu ciidayn jiitanka muran aan cawaaqibtiisa dambe la ogayn.
Annaga oo tixgelinayna asbaabaha kor ku qoran, waxaan goβaansanay haddii aanahay xubinihii hogaanka UCID oo ka maqan yahay Faysal Cali Waraabe iyo xubnaha Guddida Fulinta inaan maanta oo isniin ah taariikhduna tahay 26/9/2011 aannu iska casilnay xilalka kala ah Hogaanka Xisbiga, Guddida Fulinta, Golaha Dhexe iyo xubnimadii Xisbiga UCID.
Goβaankan waxaanu tudhaale uga dhiganay bulshada gacalka wada dhashay ee ku dhaqan geyigan Somaliland. Waxanu magacii liinbaxay uga gurney Faysal oo kaligii sheegtay lahanshiyihiisa.
Dhaamaan Xubnihii Fulinta, Xubnihii Golaha Dhexe, Gobolada, laamaha dibedda, dhamaan taageerayaashii Xisbiga UCID iyo shacbiga Somaliland waxaannu u sheegaynaa inaan dhawaan shaacin doono ku dhaawaaqida urur siyaasadeed cusub oo maalmahan soo socda soo gabagabayn doono wada tashigii aanu ku hawlanayn
Magacyada Xubnaha Golaha Dhexe
No | Magac | Xilkii Xisbiga |
Adan Maxamed Mire Waqaf | Gudoomiye ku xigeenka 1aad | |
1 |
Axmed Xuseen Fagfagaash | Gudoomiye ku xigeenka 2aad |
2 |
Xassan xuseen Maxamed (codyare) | Gudoomiye ku xigeenka 3aad ahna afhayeenka xisbgia |
3 |
Mohamed Rashiid Sh Xasan | Musharaxii madaxweye ku xigeenka xisbiga |
4 |
Muuse Xaaji Maxamed Guuleed | Xoghayha Guud ee Xisbiga |
5 |
Ku xigeenka xoghayha guud | |
6 |
Fadumo Cali Madar | Xoghayaha arrimaha debeda |
7 |
Cabdilaahi Siciid Ismaaciil | Xoghahaha abaabulka iyo wacyigelinta |
8 |
Mohamed Abdulaahi Uurcade | Xubin Gudida Fulinta |
9 |
Cabdiraxman Jamac ducale | Xoghayaha Beeraha |
10 |
khadija Xaaji Ismaaciil Bandare | Ku xigeenka Xogahayaha arrimaha debeda |
11 |
Maxamed Xasan Dirir | Xoghayaha maamulka iyo qorshaynta |
12 |
C/raxmaan Cismaan Calin (Dheere) | Xogahayha Difaaca iyo nabadgelyada |
13 |
Cabdiraman Cisman Jamac | Xoghayha maaliyada ee xisbiga UCID |
14 |
Huseen Adan Ali (Asad) | Xoghayha Arrimaha Siyaasada |
15 |
Prof, C/raxamaan Xaaji Salaax | Wakiilka xisbiga ee gobolka Sool |
16 |
Axmed Muumin Seed Habane | Wakiilka xisbiga ee gobolada Awdal iyo Salal |
17 |
Cabdilaahi Axmed Daamur | Gudoomiyaha gobolka Sanaag |
18 |
Cismaan Afgaab Nuur | Gudoomiyaha gobolka Togdheer |
19 |
Abiibakar sh Xuseen meecaad | Gudoomiyaha gobolka Awdal |
20 |
Salax muxumed idiris (Shine) | Gudoomiyaha gobolka Hargeysa |
21 |
Abokor Cige Faahiye | Gudoomiyaha Xisbiga ee UK |
22 |
Cali Maxamuud Ducaale | Gudoomiyaha xisbiga ee Sweden |
23 |
Abdiqaadir Axmed Cabdi | Gudoomiyaha garabka dhalinyarada heer qaran |
24 |
Mustafe ismacil kanadi | Gudoomiyaha Londan |
25 |
Ahmed Abdi Ciise | Xogahayha Iskaashiga Caalamiga |
26 |
Nasir Maxamuud Yusuf | Gudoomiyaha Canada |
27 |
Mustafe Axmed Maxamed Xudur | Xubin Gudida Fulinta |
28 |
Naasir Xaaji Cali Shire | Xubin Gudida Fulinta |
29 |
Amir Salax Bare Cabdi | Xubin Gudida Fulinta |
30 |
A/ Shakur Ibrahin Diiriye | Gudoomiyaha Bartamaha iyo Waqooyiga UK |
31 |
Dr, Sahal Cabdi Maxamuud | Xubin Gudida Fulinta |
32 |
C/laahi Axmed Madar | Xubin Gudida Fulinta |
33 |
Farax Maxamed Cabdule Dheere | Xubin Gudida Fulinta |
34 |
Xuseen Maxamed Cige | Xubin Gudida Fulinta |
35 |
Saleban Dahir Dogox | Xubin Gudida Fulinta |
36 |
Axmed Cabdilaahi Cawaale | G/Dhexe |
37 |
Cabdicabdilaahi Ibrahin | G/Dhexe |
38 |
Cali Axmed Cali | G/Dhexe |
39 |
Amina Abdi Jama | G/Dhexe |
40 |
Abdishakur Sheekh Cali jawhar | G/Dhexe |
41 |
Mustafe Abdilaahi Adan | G/Dhexe |
42 |
Abdilahi Hassan Amay | G/Dhexe |
43 |
Asha Husien Maraykan | G/Dhexe |
44 |
Mahamed Faarah Abdulaahi (iidle) | G/Dhexe |
45 |
Dr. Maxamud Maxamed Cabdillahi | G/Dhexe |
46 |
Cabdiraxaman Yusuf Cartan | G/Dhexe |
47 |
Ibrahin cabsiye jumca | G/Dhexe |
UCID-ey maca Calaamadaada Nabadeeyβ
βββββββββββββββββββββββββββββββ
Somalilandpost.net
Hargeysa Office
Hassan Omar
Xasan@somalilandpost.net