“Haddii Diyaaradda la Dhaqajinayaa aanay Sharci ahayn, Shalayba Pilot-ka looma codeeyeen” – Dr Gaboose

0

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Barwaaqo Dr Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa soo dhaweeyey go’aanka golaha Wakiilladu shalay codka ugu qaaday xubnaha Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda oo Afar ka mid ah la Ansixiyey, halka Saddex ka mid ahina aanay helin codkii looga baahnaa inay ka helaan xildhibaannada Golaha Wakiillada.

Sidoo kale, waxa isaguna go’aanka soo dhaweeyey yo Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Waaberi Cabdirisaaq Ibraahim Ataash oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa.

Daawo Muuqaalka Hadallada Siyaasiyiinta