Ragga ku tartamaya in ay ku guulaystaan jagada Madaxweynenimo ee dalka Maraykanka, ayey warbaahintu ka ururisay aflagaadooyin iyo hadalo meel-ka-dhac ah oo ay kula kaceen dunida islaamka ah, gaar ahaan bariga dhexe, kuwaasoo u galay baalka taariikhda, kadib markii khudbadahooda laga dhex arkay hadalo aad lidi ugu ah muslimiinta.
Murrasahax Trump
ย
Murrashax Trump oo ka mid ah ragga ugu cadcad ee u loolamaya jagada Madaxweynenimo ee dalka Maraykanka, ayaa wax laga waydiiyey siyaasadiisa bariga dhexe ku aadan iyo ammaanka mandaqadaas ba, waxaannu si yasid ah, kana muuqato in mandaqdaas dhan a macno laโaan tahay uu ku jawaabay; โTaasi kuma jirto tartanka iyo loolanka.โ
Badhasaab Scott Walker
Scott Walker oo ah badhasaabka Gobolka Wisconsin ee dalka Maraykanka, isla markaana ku jira ragga u baratamaya sidii ay u soo istaagi lahaayeen jagada madaxweynenimo oo dhawaan wax laga waydiiyey kooxda daacis ee ISIS magaceeda loo soo gaabiyo ayaa si jees jees ah ugu jawaabay; โWaxa aad ka soo qaadaa 100,000 mudaharaade oo Wisconsin ku sugan, adduunkuna intaas bal ka soo qaad.โ Waxa uu ku malo-awaalay in ururka shaqaalaha Maraykanku mudaharaadeen, balse waxa uu hilmaamay in ay yihiin dagaalyahanno haysta Ciraaq iyo Suuriya badankeeda.
Jeb Bush
Waqti lagu guda jiray shir arrimaha ammaanka lagaga hadlayey oo qabsoomay bishii August 2015, ayaa murrashaxa Madaxweyne ee xisbiga Republican Mr. Jef Bush, waxa uu walaalkii George Bush (Madaxweynihii hore ee Maraykanka) ku taageeray goโaankii uu 2003 ku qabsatay Ciraaq, waxaannu yidhi; โWaxa aan idiin sheegi doonaa in Saddam Xuseen xukunka in laga tuuro ay ahayd goโaan fiican, โ waxa uu waqtigan muujiyey inuu aad ula dhacsanaa in xukunka laga tuuro Saddam Xuseen oo ahaa madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq, balse waxa ay arrintaas keentay in gobolka amma mandaqadaas oo dhan holacdo.
Xildhibaan Ted Cruz
Ted Cruz oo ah xildhibaan Texas laga soo doorto, isla markaana ah murrashax madaxweyne, ayaa laga hayaa hadal dheel dheel iyo jees jees ah oo Bariga Dhexe ku wajahan, waqtigaas oo uu ku jiray dood; โWaxa Maraykanku waxa uu baahan yahay Madaxweyne ku dhiirada in Madaxweynaha Masar uu sameeyey Markii Sisi,โ odhaahdan waxa uu uga jeeda amma uu ugu yeedhay in Al Sisi uu yahay Sisi oo noqonaysa kooxda Daacish, taasna waa khalad iyo jeesjees uu galay, sababtoo ah waxa uu Al Sisi murrashaxan ku eedaynaayey inuu ku kacay dambiyo xuquuqal-insaanka ka dhan ah.
Sidoo kale doodii ku xigay waxa uu Cruz ku dooday isagoo ka hadlaayey barnaamijka nukliyeerka Iran; โAaminaada Iran waa in laf ahaantooda la baadho.โ Waxa warbaahintu arrintan ku lafa-gurtay inuu ula jeedo in qof kasta oo Iran an naftiisa la baado, kadibna la aamini karo Iran.
Ben Carson
Murrashax Ben Carson oo ah khabiir qalliinka neerfsiyada ku takhasusay (Neurosurgeon) markii uu sannadkii hore booqday Israโiil waxa uu isku dayey inuu xaalada dalka ka hadlo waxa uu waydiiyey suโaal ku saabsanayd โWaa maxay doorka Knesset (Barlamaanka Israโiil?โ markii uu jawaabta ka helay ilaaladiisa ayaa uu ku celiyey; โKu dhawaaqis adag. Maxay yeelan waayeen nidaamka aan Maraykanka ku haysano?โ
Mar kale Murrashax Ben Carson
Murrashax Ben Carson waxa uu September sheegay in Muslimiintu aanay joogi karin Maraykanka oo aan laga ogolayn, isagoo u arka in dastuurka Maraykanku sidaas qabo, waxaannu waliba diiday inuu raalligelin ka bixiyo eraygaas ka soo yeedhay oo cadho badan ku abuuray dunida islaamka ah, gaar ahaan dadka ku dhaqan Maraykanka.
ย
Biilyaneer Donald Trump
Bilyaneerkan oo ka hadlaaya ku lug lahaanshaha Ruushka ee Suuriya, waxa uu yidhi; โAssad waxa uu ka fiican yahay jabhada Maraykanka dabada ku haysa, maadaama aanu ahayn nin aan diinta ku adkayn, waxaannu Assad dilay boqolaal kun oo qof oo jabhada Suuriya ah.โ
Xigasho: Maankaab