Bishii Febarwari ee sanadkii 2011 ayay ahayd xiligii Dadweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa ay la anfariireenย ย tiraabย ย ka ardnaydย ย milgaha masuuliyadda oo ka soo yeedhayย ย Wasiirkii hore eeย ย Daakhiliga Dr. Maxamed Cabdi Yuusuf (Gaboose), oo si yax-yaxleh uga hadlay dhacdo ugub ku ahayd dalka oo lagu gubay labaataneeyo guri oo ku yaalay degmadda Gacan-libaax ee caasimadda Hargeysaย ย oo ay deganaayeen dad dan-yar ahi.
ย Wasiirku xiligaasiย ย wuxuu warbaahinta ka sheegay in wixiiย ย gubtay ay ahayeen buulal, cooshaddo iyo sandaqadoย ย isla markaana ay is gubeen dadka khasaarahaasi soo gaadhay laftoodu.ย ย Dr. Gaboose wuxuu ilowsanaa in dadka danyarta ahi ay degan yihiin sabooyinka noocaas ah oo ay aanay buulashoodu uga laalaadinย ย mandaraha iyo saraha dhaadheer ee dabaqadaha digtoorka iyo inta la mid ahi ayย ย leeyihiin.ย ย Layaabse malaha ooย rayul caamka bulshaddu waxayย ย dhawaaqaasi ku micneeyeen tixdiiย ย dhaxal-galka ahaydย ย ee Gabaygiiย ย Abwaan Cabdi Iidan Faaraxย ย ku yidhiย ย โHabartii docdeediyo dagalkay ku noolayd daruuruhu ku hooreen, dadba wada hel moodoo, daad wararac bay tidhi!. Dibigii xareediyo dooxaddu u buuxdee, dinaahiyeeyay ee ciyay, duul-duulka karantiyo, dayrtiyo jidhaamaha, dareenkiisu kama foga!โ
Waliba dadka guryahoodu gubteen waxay ahaayeen gol-jilic iyo dan yar ka soo jeeda ardaaga uu codka doonayo ee uu u yagleeshay urur-siyaasadeedka UMADDAย ย ee uu ku dhawaaqay daba-yaaqadii kal-hore. Hadalkaas xanafta lahaa wuxuu Wasiirkaย ย ย kuย ย kiciyay mucaaridad xoog leh ooย axsaabtaย ย iyo shacbigu kaga gil-gisheenย ย kalmadihii tudhaale laโaanta ahaa ee uu ku wareeray dhibaneyaashiiย ย uu baroor diiqda u muujin lahaa.
Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, waxaanu talladda ku darsan in bisaylka ummadda reer Somalilandย ย gaadhay heerkii u sareeyay oo aanay sabankan waxba ka hoos qaadaynin shakhsiyaadka dareenkood la hadalka ah ee jibadda iyo baadidoonka kursigu madax-martay. Marka ay badhida kursiga saaraannaย ย kooraysta faraska kibirka.
Dr. Gaboose waxa uu shalay si mixnad leh uga hadlay hawl-galka jidad banaynta Caasimadda Hargeysa iyo xadhigii Sabtidii magaaladda Gabiley lagu xidhay 11 Xildhibaan oo lagu eedeeyay inay rabashado ka sameeyeen xafiisyadda iyo xarunta dawladda Hoose ee Gabiley.
Markii uu arrintaasi ka hadlayay waxaad moodaysayย ย inuu jilayayย ย ย filim ah sidii inuu ka damqaday boqolaalka qof ee dawladda Hoose iyo wasaaraddii daakhiliga ee uu ka tagay ay ka rareenย ย Ganacsatada bagaashlayda jidadka suuqa dhexe ee caasimadda Hargeysa.
Ka sii darneโeย ย Wuxuu digtoorkuย ย isku dayay inuu iska dul qaado fool-xumaddaย ย masuuliyadda waraaqdii uu kaga tagay xafiiska oo uu ku xanibay inay Golaha deegaanka Gabiley ay qabsadaan fadhiyo aan caadi ahayn oo ay maamuuska kaga xayuubinayaan Hoggaankooda. Wuxuu si xirfad iyo indho isku qabad ah sharaxaad korka xaadis ah uga bixiyay qoraalka uu ku mamnuucay fadhiyada aan caadi ahayn ee golaha deegaanka.
Rayul caamka bulshadda ee ka doodayay shirkii Jaraaโid ee Dr. Gaboose waxay ku fasireenย ย hadal aan daacad laga ahayn oo uuย ย raali-gelin dadban kaga bixinayo qadafkii uu ka galay danyarta horaantii sanadkii tagay oo quluubta shacbiga ugu dhigmay si aan tir-tirmayn.
Waxa kale oo jiray qaar kale oo ku doodayay in hadalka Digtoorku uu ahaa mid is muujin ah ee uu ku xod-xodanayo taageeradda bulshada waayo-araga u ahย ย inay shiilaaan hadalada beerlaxowsiga ah siyaasiyiinta isbed-bedelka badan.
Waxa dadka qaar xusayeen inuu ahaa Wasiirkii xiligii Marxuum-Cigaal nashqadeeyayย ย wareegtadii lagu aasaasayย ย Gudiyadii nabad-gelyadda goboladda eeย ย sharci darrada ahaaย ย ee laga qayliyay ooย ย dhawr iyo toban sano ka dibย ย Madaxweyne Axmed Siilaanyo digreetada ku tir-tiray laba maalmood ka dib markii uu xafiiska la wareegay 27-kii July 2010-kii.
si kastaba arrintu ha ahaatee wax hubaal ah haddii hadalka Digtoorkuย ย daacadย ย yahay iyo haddii uuย ย ย ilmo yaxaas yahayba,ย ย waxa shacbiga Somaliland ayย ย maalin aan fogayn ay midigta ka saari doonaanย ย halka ay ka taagan yihiin. Iyadoo doorashadii u horeysay ee Goleyaasha deegaanka ee dalka ka qabsoontay 15-kii December ee 2002-diiย ย uu ururkiisii SAHAN uu ku guul-daraystay inuu ka mid noqdo sadexdii urur ee u soo gudbay heer xisbinimo.
Cumar Maxamed Faarax