Hargeysa (SLpost)- Kulan balaadhan oo ay soo agaasimeen Hayโadda Shaqaalaaha Dawladda isla markaana ay kasoo qayb-galeen Mudenayaal ka socda Golaha Wakiilada, Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka,ย Agaasime-waaxeedyada maamulka Cududa Shaqaalaha iyo madaxda waaxaha Sharciga ee Wasaaradaha iyo Hayโadaha Dawladda ayaa lagu daah-furay kaabista iyo wax ka bedelka Sharciga Shaqaalaha Dawladda.ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย
Intii kulanku socday ayaa lagaga wada hadlay kaabista, wax ka bedelka iyo hannaanka loo marayo ansixinta Sharciga Shaqaalaha Dawladda oo mudo 22-sanno ah ahaa mid u baahnaa dib-u-eegis iyo wax ka bedel si uu u noqdo mid ka jawaabiย kara xuquuqda iyo waajibaadka Shaqaalaha Dawladda.
Madaxa Hawl-qabadka dib-u-habaynta Shaqaalaha Dawladda Cabdi Aadan oo madasha ka hadlay ayaa xusay sida ay muhiim u tahay in mashruuca tayeynta Shaqaalaha Dawladdu maanta soo gaadho in Shaqaalaha Dawladda laga caawiyo sidii ay u yeelan lahaayeen sharci dhamaystiran oo dhan walba ka dhaqa
Dhankiisa waxa isna madasha ka hadlay Maxamed Cabdi Waji oo ah ruug-cadaa Shaqaale Dawladeed ah isaga oo xusay sida uu maanta ugu faraxsan yahay in uu arko Sharcigii Shaqaalaha Dawladda oo dib-u-eegis lagu samaynayo isaga oo si dareen leh u xusay xuquuqda ay shaqaale ahaan ka heli doonnaan dib-u-habaynta Sharciga Shaqaalaha Dawladda.
Maxamed Cali Weji, ayaa Gudoomiyaha Hayโadda Shaqaalaha Dawladda ku ammaanay in uu qaaday jidkii guusha isla markaana duco ka heli doono shaqaalaha Dawladda isaga oo u rajeeyey in uu Alle ku guuleeyo jidka uu maanta hayo ee dib-u-habaynta Shaqaalaha Dawladda ah.
Khabiirka gacanta ka hayaย dib-u-eegista Sharciga Shaqaalaha Prof Mubaarak Aar ayaa ugu horayn ku ammaanay gudoomiyaha Hayโadda Shaqaalaha Dawladda iyo guud ahaan Hayโadda Shaqaalaha isaga oo xusay in hiilka ugu weyn ee Shaqaaluhu u baahnaa ahaa in loo sameeyo SIyaasado iyo SHarci dhaqa isaga oo xusay in la sameeyey siyaasadihii muhiimka u ahaa Shaqaalaha Dawladda imikana gacanta lagu hayo Sharcigii waynaa
Prof Mubaarak Aar ayaa xusay in maanta kadib Shaqaalaha Dawladdu yeelan doonaan xuquuq dhamaystiran iyaguna lagu yeelan doono wajib dhan walba ka cad.
Dhankooda waxa iyaguna madasha ka hadlay ku xigeenka Garyaqaanka guud ee Qaranka Xuseen Balal isaga oo xusay muhiimada kulanka ay maanta joogaan iyo muhiimada ay arintanai qaranka u leedahay.
Gudoomiyaha Guddi Hosaadka Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiilada Xil Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo madasha ka hadlay ayaa bogaadin u soo jeediyey Hayโadda Shaqaalaha Dawladda isaga oo xusay in gacan weyn siin doonaan marka uu hor yimaado Golaha Wakiilada.
Gudoomiyaha Hayโadda Shaqaalaha Dawladda Md Sharmaake Geele oo madasha si rasmi ah u furay ayaa kulanka ku tilmaamay mid taariikhi ah isaga oo sheegay in 22-sanno kadib ay maanta Hayโadda Shaqaalaha Dawladda sharaf iyo farxad u tahay in kulankan qabsoomo.
Gudoomiye Gelle ayaa dhankiisa xusay in Sharcigan Shaqaalaha Dawladdu noqon doono mid casri ah oo la jaan-qaadi doona duruufaha Shaqaalaha Dawladda halka uu si qeexan u tilmaami doonno waajibaadka iyo xuquuqaha Shaqaalaha Dawladda.
Ugu dambayn, Gudoomiye Sharmaake Geelle ayaa Shaqaalaha Dawladda ugu bushaareeyey wanaaga u soo socda Tallaabooyiknkan Hayโadda Shaqaalaha Dawladduย mudooyinkii u dambeeyey gacanta ku hayso ee dib-u-habaynt Shaqaalaha Dawladda ayaa noqonaya mid dhan walba ku qotomo iyada oo xukuumadu xoog badan dul dhigtay in Shaqaalaha Dawladdu noqdaan kuwo dhan walba ka dhamaysitran