Waxa ay ku siman tahay mudo 21 sano ah tan iyo markii aynu dib u gala soo noqonay madaxbanaanideenii soomaaliya 18 may 1991 ayeynu soo ceshanay , 31 sano oo cadaalad daro iyo cabudhin ay ina soo gaadhay
18 may 1991 waxa ay beelaha Somaliland ku gaadheen inay xoriyadoodii la soo noqdaan oo ay noqdaan qaran ka madaxbanaan . si ay uga badbaadaan wixii ay soo mareen iyo tacadigii la ina gaadhsiiyey ee aynu kaga goosanay soomaliya
Waxaad shalayto mudatiyo
Mahadhada xasuusnow
Halkii qorigu kaa muday
Mar labaad lugtaadiyo
Cagtu yaanay kula marin
Maantiyo dantaadiyo
Yaanu mililku kaa lumin
Maalmaha danbeeyiyo
Waxa maqana faalee
Go,aankii ay gaadheen beelaha s/land waxa uu dhalay dowlad taas oo laga rabo inay ilaaliso midnimada ,cadaalada iyo horumarka bulshada iyo sidii ay iskugu hayn lahayd walaalnimada iyo dareenka wax wadaagta ah ee ka dhaxeya bulshada . kana hortagto wax kasta oo dhib iyo xanuun u keenaya bulshada iyo qaranimada oo aanay ku xasuusan dareeno xanuun badan oo ay soo mareen .
Odayaasha dhaqanka inaga oo u hayna maamuus aad u wayn kuna ixtiraamayna kaalinta muuqata ee ay kaga jiraan horumarka dalka ee xag nabad galyo iyo horumarba leh oo mahad wayn uga hayna waxaynu leenahay maadaamood go,aamiseen in qoriga la dhigo oo qaran la noqdo waxa inala gudboon inaynu dowlada u daba joogsano hogaaminta umada . hadii uu khalad ku muuqdo waxa aad ku sixi kartaa adiga oo u tagi kara cida aad wax ku toosinayso laakiin hadalka warbaahinta la isku marinayaa waa hadal raad ku reebaya quluubta shacabka
Waxa maalmahan dhagaheena ku soo dhacayey soo hadal qaadka beelaha hadii hadalhayntiisu sii socotana naxli ku abuuraya bulshada dhexdeeda waxa ina la haboon inaynu ka feejigaano wax yeelada ay qabyaaladu leedahay
Lugooyada qabyaaladi dhigtaa , waa lur aan hadhine
Ninka manta liil gelinayaa , waa mid liitiya
Waxa kale oo aan ururada siyaasada leeyahay mar hadii aad xulanaysaan musharaxiinta golaha degaanka afkiina ka dhowra soo hadal qaadka qabiilka waxa ka asturan indinka oo yidhaahda waxaanu soo bandhigaynaa musharixiintii deegaan hebel waa runtiin oo ma jiro qof aan qabiil ka soo jeedin hadana yaanay si kale u qaadan maangaabka iyo nacabka Somaliland . ururada siyaasadu waa meelihii laga hirgalin lahaa ee laga noolayn lahaa dimuqraadiyada s/land ee la baabiin lahaa dareenka xun ee qabalaysiga . waana meelihii laga korin lahaa gaaraadka dadka ee wanaaga laga fari lahaa keeni lahana bulsho afkaari midayso .
Waxa aan ku soo gabagabaynaaya qolooyinka warbaahinta oo aan iyana kula talin lahaa inay bulshadooda u soo gudbiyaan wax ay wax ka faa,iidayaan oo ay u hoga tusaaleeyaan horumarka aduunku gaadhay iyo sidii ay uga faa,iidaysan lahaayeen ee ay ku dayan lahaayeen ee aanay iyana u soo gudbin wax dhaawac ku keeni kara bulshada oo kala kaxaynaya . waxa aan ku soo gabagabaynayaa maqaalkaygan
Wax badan baa hayaay iyo wareer , la isla hoos galaye
Laba hooyo wada foolatoo , hudantay waa ceebe
Hadhka nabada lama dhaawace, hadimada daaya
Ninwalbow wixii kugu haboon ,hoos u dhugo caawa
Waxa aan halkan uga ducaynayaa inuu ilaahay u naxariisto labada abwaan ee aan tuducyadoodii ku xusayey halkan waana
Ibraahin sh saleebaan (ibraahin gadhle )
c/laahi suldaan (tima cade )
qalinkii : c/qaadir sh maxamud muxumed