Bariido dabadeed, Akhristeyaal/Saaxiibayaal, qormadii tan ka horeysay ee taxanaheena waxaynu kuย daah furnay goโaamo heer Madaxweyne ah oo kasoo burqanayay Qasriga Madaxtooyada, kuwaas oo dhammaantood curad ku ah, kana caagan haykalka, heybadda iyo sunnaha dawladnimo ee Qaranka. Goโaamadani waxay ceeb iyo caqli xumo ku yihiin himiladii KULMIYe, karaamadii iyo yoolkii ay higsanayeen umadda reer Somaliland, gaar ahaan reer KULMIYE, waxaanay bar madaw iyo boog ku tahay dhaxalka taariikheed ee gunaanadka Hoggaaminta Axmed-Siilaanyo.
Waxa ay u eegtahay wadadan la qaadsiiyey talo cayn wareegtay, cuqubo iyo cibaaro guud ahaan ku habsatay shacabka Somaliland, gaar ahaan haldoorkii iyo ma-gaydadii dalka.
Waa Maan gurracan iyo Garasho Jaan
Gacal iyo Tol-oow Ma Garwaaqsateen
Baahidan Gudbane ย Gurigeena taal
Gefkan, Guul darrooyinkan iyoย ย ย ย
Goddobtan Gurigeena taal,
Inagoon ka guban, Ma Ka Daw baxnaa?.
Mudane Madaxweyne, Xaaladda iyo Xaqiida ina hor taalla Saaka, waxa ay u egtahay Illaahay kama dhigeen Maalmihii u dembeeyey Cimrigii Maamulkii Maxamed Siyaad Barre. Bal hadda Akhristeyaal Eega goโaamadan, gefafkan, goddobtan iyo Garashadan Saboolka ah eek u sawiran Taariikhda Axmed-siilaanyo. Waxaย biyo kama dhibcaan ah in Qasriga Madaxtooyada laga Hoggaamiyo ay jiifaan, Isla Markaana Saamayn Luxdan ku leeyihiin Ab-risyo, Halaqyo, Abeesooyin, Camarraley iyo Abeeso-liq Sun badan ย oo ugaadhsanaya Mujaahidiintii, haldoorkii iyo bir ma gaydadii Ummaddan.
Saaxiibayaal Ila Eega Dhacdooyinkan iyo goโaamadan Soo Socda:
1-ย ย ย ย ย ย Caydhintiiย Foosha Xumayd ee Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale:
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland, Akhriste aan idin xasuusiyee waa Kuma Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe)?.
Waa Mujaahid halgamaa ah, Waa Taariikh yahan, Waa Madxaf qaran, waa Suugaan-dhaadhi, Waa Arkiifiyo, Waana Qoraa heerka 1aad kaga jira Qalinleyda Somaliland. Boobe Waa Xisbi yahan, Waa Cilmi baadhe, waa Siyaasi ballaadhan oo baaxad leh, Waana Shakhsiyaadka kooban ee Garbaha Axmed-siilaanyo uu ku duulo noqon lahaa. Waxaa Xusid Mudan in Mujaahid Boobe sidii uu ku daah furay Taxanihiisii Muhiimka ahaa ee uu ugu Magac daray (Magacaabistaydii iyo Maagistaydii), ย aan ka fahmayย in muddo aan waqtigiisa ka goโin u goโdoomay danta guud, oo halgankii Somaliland ku Mashquulay, oo uu dayacayย dantiisii iyo xilkii qoyskiisa ka saarnaa.
Akaadamiyada ayuu Madax ka noqday, Macaash fara badan ayuu heli jiray, siyaasadii ayuu kaga nastay. Nasiib darro Maalin ayuu farriin u diray Saaxiibkii Madaxweyne Axmed Siilaanyo, si uu talo uga siiyo Wasiir reer Gabiley ah oo booskiisu banaananaday, Markii ay Siilaanyo farriintu gaadhay ayuu ku hambabaray Magaca Boobe, waxaanu yidhi Boobe Mee, ? Wuu joogaa ayaa loogu jawaabay, waad Mahadsan tihin buu ku yidhi isna qoladii farriinta u sidday. Madaxweynuhu wuxuu helay Telefoonkii Boobe, waa uu la xidhiidhay, wayna kulmeen, Wuxuuna Madaxweynuhu ka codsadayย Saaxiibkii inuu la shaqeeyo oo uu noqdo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland, kaalintaasna ka buuxiyo. Dood dheer iyo ballan adag kadib, Mujaahid Boobe Wuu Ixtiraamay wuuna qadariyey Saaxiibkiisii ay taariikhda halganka wadaageen, waanu ka aqbalay codsigiisii, shaqadii Akaademiyada ee uu hayayna waxa uu uga tegey Boobe Xilkaa Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Siilaanyo. ย Waxaa xusid Mudain inaan soo qaato Xikmad aan ka helay Weliga Asteeya Siyaasadda Somaliland Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey), ย Waa Khabiir ku takhasusay siyaasadda Siilaanyo, Waa Siyaasi sarrifi kara xaalad kasta oo dalku ku sugan yahay, waana ย khabiir hilaadin kara waxa soo socda Mustaqbalka dhaw iyo ka dheerba. Cali, waxa uu inoo sheegay inuu Boobe yahay wasiirka keliya ee Siilaanyo Cugtay balse aanu ku raagi doono, waqti ayuu u qabtay, sidii baanay noqotay oo Waa Min-aayaatihi. Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa Male Caaqil arag Caamo ayuu dhaammaa, waa isla doonasho ilaahe waqtigii Maxamed Siyaad Barre Madaxweynaha ka ahaa Soomaaliya, ee Axmed-Siilaanyona Wasiirka Ganacsiga ahaa ayaa waxa dhacday in Mar Siilaanyo Injiddii Kismaayo ka beddelay Nin ay Ilmaadeer ahaayeenย Maxamed Siyaad Barre, Xagga Hooyana ka walaaloo ahaayeen oo la odhan jiray Cas-casey Jaamac Barre, Waxaanu u beddelay Magaaalda Baydhabo. ย Maxamed Siyaad Waxa uu Wasiirkiisii Ganacsiga haatanna ah Madaxweynaha Somaliland ka codsaday oo weliba si taxadir leh oo uu ugu waayo sheeganayo uga codsaday inuu Odayga WAlaakii ah halkiisa u daayo. Hase yeeshee Axmed Siilaanyo si cad ayuu uga badheedhay oo uu u yidhi, Ma yeelayo, ee adigu haddaad doonto shaqada iga eri. Taariikhdu waxay inoo sheegaysaa in Madaxweyne Siyaad Barre uu dawladnimada Wax badan ka garanayay. Runtii Axmed-Siilaanyo ย Xilligaas goโaankaas aad buu ugu saxsanaa oo Wasiir Geesi ah ayuu ahaa, Wa-min-aayaatihi, waa isla doonasho Ilaahe Boobe waa wasiirkiisii Warfaafintaโe bal hadda eegga Mucjisadan:-
ย Wasiirku wuxuu beddelay laba agaasime Waaxeed, shawย bad buu galay, oo war badanba kama hayo xaaladda dhabta ah. Aan ku soo dhawaado Madaxweyne Siilaanyo wuxuu ku qasbanaaday Inuu Boobe u sheego Inuu beddelka ka noqdo. Af kala qad bay ku noqotay Wasiirka. Ceebey-tacaal!!!!. HAdda waa tii uu Soddon Sanno ka hor Siyaad Barre ka diiday ayuu Boobe kala xishoon waayay. Isku soo wada duub oo xaaladdu waxay ku idlaatay โMaan gurracan iyo Garasho Jaanโ. Waxay noqotay in Saddex cisho gudahood loo dhiibo Warqaddii Shaqo ka caydhinta oo uu ku saxeexan yahay Madaxweynaha Somaliland. Waxa uu ka xishooday Siyaad Barreย ayuu Siilaanyo Shaki laโaan yeelay. Siyaad Barre Muddo laba Sanno iyo dheeraad ahayd baa uu Siilaanyo u daayay Xilkii Wasiirnimo, isagoo mar dambe Isku shaandhayn dembe iyadoo aan cidi xasuusnaynย xilkii uga qaaday una beddelay la taliyahaย Arrimaha dhaqaalah ee Wasiirka Daakhliga. Halka Axmed Siilaanyo Sugi kari waayay inuu Boobe la eegto Isku shaandhayn aan cidi si toos ah u xusuusnayn ujeedadeeda oo uu xilka kaga qaado. Hase yeeshee Waa Cambaar Siyaasadeed oo ku taalla Taariikhda Siyaasadeed ee Axmed-Siilanayo.
Waxaynu ku soo Idlaynaynaa Maqaalkeena Keyse Cabdi Yuusuf (Wasiiru-dawlihii Nabadaynta Gobollada Bari)
Mudane Madaxweyne Mee Wasiiru dawlahaagiii, aad magacawday 8 bilood ka hor, Keyse Cabdi Yusuuf, waxa laga yaabaa inaanad Maanta garanayn meesha uu joogo iyo waxa dhacay toona. Runtii waa Mushkilad, waana Xanuun hor yaalla Hoggaamintaada.
Hadaynuย in yar dib uย jalleecno, Keyse waxa uu ahaa Hoggaamiyeyaashii SSC ee qoriga u qaatay inay helaan xaqooda. Waxa uu ahaa Masuulkii ย u horreeyey ee goโaansaday inuu wada hadal iyo maslaxad ku doono xaqooda oo uu qoriga dhigo. Muddo laba sanno ah ayuu u joogay wada xaajoodsi ay u hir gasho ujeedadiisu. Waxaad ka dhigtay wasiiru dawle, guntii waxa ay ku soo ururtay inaanayย suurto gal noqonin inuu war geliyo waajibaadkiisa. Waxaa laga gooayay shidaalkii iyo laydhkii, waxa suurto gal noqon weyday inaad wada xidhiidhaan. Ugu dembeyn Xaalku wuxuu ku kellifay inuu goor aan habeenna ahayn, maalina ahayn Hargeysa ka fakado. Md. Madaxweyne 8bilood Wasiirkaagu Ma qaadan Mushahar, ย Miisaaniyad looma samayn, Xafiisna hadalkiisa daa. Taas Macnaheedu waxa uu muujinayaa in wasiir aad magacawday aanad ka war hayn xaaladiisa. Waxay muujnaysaa inayjirto awood kaa sarraysa oo dalka xukunta. Waxay muujinaysaa in nabadgelyadda bariga aanay cidid dank a lahayn, waxa markhaati u tahay inuu jiro qorshe gaar ah oo ka socda Madaxtooayda JSL. Waxay muujinaysaa Midnimada Somalilan inaanay Muhiim u ahayn dawladdaada. Dib baa looga sheegayn, waana Maan gurracan.
Qormadii 3aad eeย Taxanaha uu Qoreyย Axmed X. Cabdillaahi Rooraaye