Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Kenya Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Dhiggiisaย  Somaliland

0

 

ย 

Nairobi(SLpost) โ€” Gudoomiyaha maxkamada sare ee Kenya Dr. Willy Mutunga ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilayย gudoomiyaha maxkamada sare iyo ta Dastuuriga ah ahna guddoomiyaha gudidda cadaaladda eeย Jamhuuriyada Somaliland Prof. Adam Xaaji-Cali Axmed oo Safar shaqo ku jooga magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.

 

Gudoomiyaha maxkamada sare ee Kenya Dr. Willy Mutunga waxa uu dastuurka dalka Kenyaย ย hadyad u siiyay gudoomiyaha maxkamada sare Jamhuuriyada Somaliland Markii uu soo booqday.

 

Prof. Adam ayaaย ย Gudoomiyaha Maxkadaย  Sare ee Kenya si weyn ugala sheekaystay iskaashi dhexmara iyo walliba sidii ay Somaliland wax uga baran lahayd nidaamka Garsoorka Kenya oo aad u hor marsan.

 

 

Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo ta Dastuuriga ah ee Somaliland ayaa intii uu joogay Kenyaย ย ka qayb galay laba shir oo caalami ah. Shirka hore waxa uu ku saabsanaa โ€œShuruuucda oo la is waydaarsadaa doorka ay ka ciyaarto xoojinta Dawlanimo sharciย  ku dhisanย  iyoย ย  maamulka ย ku dhisan hanaanka Axsaabta badan ee Qaarada Africa.

 

 

Somalilandpost Office, 2015