Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL oo ka qayb galayย  Shirar Caalami ah

0

 

Nairobi (SLpost) โ€” Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo JSL ahna gudoomiyaha gudida cadaaladda ย ayaa ka qayb galay laba shir oo caalami ah. Shirka hore waxa uu ku saabsanaaย โ€œShuruuucda oo la is waydaarsadaa doorka ay ka ciyaarto xoojinta Dawlanimo sharciย  ku dhisanย  iyoย  ย maamulkaย  ku dhisan hanaanka Axsaabta badan ee Qaarada Africaโ€(Open Law- Africa Conference 2015,ย  the free Access to Law in deepeningย  Rule of Law and Democracy ),ย  waxaanu ka dhacay Nariobi, Kenya, 12-13 Octorber,ย  waxa soo wadaย  qabanqaabiyayย African Legal Information Institute (AfricanLii) , SAFLII ( South African legal information institute), University of Cape Town iyoย  Kenya Law.

Shirka labaad waxaย  uu ahaa shirkii ugu horeeyay ka dhaca Africaย  kuna saabsanaa isku imaantinkii ugu horeeyay ee si cilmiyaysan looga hadalo Hirgalinta sharciyada Deegaanka si loo xoojiyo maamul wanaaga, cadaalada iyo sharciga Degaankaย  (1st Africa Colloquium on Environmental Rule of Law โ€“ย Towardsย Strengthenedย Environmental Governance, Justice and Law), waxaanu ka dhacay Nairobi 14-16 Octoober. Waxaana soo qaban qaabiyayย  UNEP, Konrad Adenauer Stiftung iyo Machadaka Tababarka Garsoorka ee Kenya.

Shirkaย  hore waxa maalintiisaย  hore ka soo qayb galay Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Wadanka Kenya,ย Dr. Willy Mutunga. Waxaanu ka jeediyay khudbadii furtiaanka ooย  gudibinaysay fariin ahย  in hadii Afrika xaga sharciga isu furto in ay khibradoodaย  is waydaarsandoonaan,ย  isla markaanaย  la heli doono wada shaqayn fiican iyo Cadaalada oo sare u kacda.

Waxa isaguna Kalamadii furitaanka ka jeediyay Gudoomiyaha Maxkada Sare ee JSL,ย Prof. Adam Xaaji-Cali Axmed,ย  isagoo ka jeediyaya khudbadan gubinaysay fariin ah in Afrika aan isku meel taagnayn laakin wax la kala barankaro sidaa awgeed waxa muhiim ah in laga yeesho Qorshe iyo siyaasad cad Guud ahaan Afrika iyo Qaybaheeda kale duwan ba .

Dhinaca kale Gudoomiyaha Maxkada Sare waxa ay kulan Gaaban wada qaateen Gudoomiyaha Maxkadaย  Sare ee Kenya iyaga oo ku balamay in ay kulan dheer isugu yimaadaan Maalinta Khamiista ee 15 Octoobar si ay ugu sheekaystaan iskaashi iyo walliba sidii ay Somaliland wax uga baran lahayd nidaamka Garsoorka Kenya oo aad u hor marsan.

Shirka labaadย  waxa uu ku saabsanaa Hirgalinta sharciyada iyo Siyaasadaha Ilaalinta Deegaanka oo waxa hogaaminaayay Hayโ€™adda u qaabilsan Qaramada Midoobay Xaga deegaanka ee UNEP. Macluumaadka ku saabsan shirkan waxa laga heli karaa link hoos ku yaala.

Gebagebadii Shirka hore waxa la isla qaatay in Dawladaha Barig Africa ay samaystaan isku xidh iyo qorshe ay isku kaashaadaan xaga isu gudbinta sharciga iyo Goโ€™aamada Garsoorka.

Shirka labaadna waxa la raynayaa in ay ka soo baxaan qodoba Afrika ay sharciyada Deegaanka ku hergaliyaan oo la isla ogol yahay.

 

Somalilandpost.net, Office