Hargeysa, (SLpost)- Gudidda dib-u-habaynta ganacsiga iyo Maal-gashiga caalamiga ah ee heer qaran, ayaa shalay kulankoodii u horeeyayย ย yeeshay kaasi ย oo ย si rasmi ah ugu furmay magaaladda Hargaysa.
Kulankaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa lagaga ย ย hadliย doonaaย sidii loo fududayn lahaa hirgelintaย Ganacsiga iyo maal-gashiga caalamiga ah isla markaanaย ย wixii dhibaato ku ah ganacsiga ee dalka ka jira looga qodax-qaadi ย lahaa.
Gudidan dib-u-habaynta ganacsiga iyo Maal-gashiga caalamiga ah ee heer qaran, oo ay xubno ka yihiin wsiirro ayaa waxaa furitaanka shirkaasi ka soo qayb galayย Wasiirka Ganacsiga, Wasiirkaย Hawlaha Guud iyo Guryeenta, Wasiirka Waxbarshada , Wasiirudawlaha Maaliyadda, Wasiirku -xigeenka Arimaha Gudaha iyo masuuliyiin kale.
Wasiirka ganacsiga Dr. Muuse Qaasim, oo furitaankii shirkaasi hadal ka jeediyay ayaa ka war bixiyay waxyaabaha lagaga wada hadlayo iyo sida loogu baahan yahay in shirka ay ka soo baxaan qodobo dhiiri galinaya in dalka Somalilandย uu soo jiito Maal gashadeyaal caalami ah isla markaanaย ay ugu fududaan lahayd ganacsatada reer Somaliland in ay dalka maalgashadaan.
Waxaanu yidhi ย โGudidan waxaa ย loo magacaabay inay fududeeyaan oo ay sahlaan,ย oo ay u sameeyaanย nidaamย ย ku fiican, ย oo la maalgashan karro, ย oo ganacsi ย laga ย furan karro, ย oo dadka soo jiidata in la sameeyo oo wax alla wixii caqabado ah la yareeyo,ย amaย la baabiiyo. Markaa ย gudidan waa markii u horaysay ee ay kulanto, waaxaan looga jeedaaย mar hadii ganacsiga la fududeeyo oo xaaladiii ganacsiga hore loo mariyo waxa imanaya shaqo abuur oo ganacsatada maadaama dhaqaalihii 93% aya gacanta ku hayaan.
Shaqaalaha ย aynu u baahanahay 93% waa inay shaqaaleeyaanย ganacsatadu, markaa si taasi inoogu suurto gasho dhibaatooyinkii haystay ganacsiga waa inanu yareena oo kala mid dhignaa aduunka horumaray, imika riwanda oo kale ayeynu isku dhawnahay markaa riwanda meel adag bay ka soo bilawday manta meel wanaagasan bay maraysaa.
Markaa ย inaynu sidaas oo kale oo ay gudidani ka shaqayso oo ay sidii loo horumarin lahaa waxna looga badili lahaa ee daruuftiisa loo hagaajin lahaa ee caqabadaha looga qaadi lahaa ganacsiga ayuu ahaa ujeedada shirkan, markaa waana shirkii u horeeyey waana bilawnay waanu soconayaa sidaasaana wixii shuruuca ee uu u baahan yahay inaanu sameenoโ.
Waa markii ugu horraysay ee gudigani ay shir isugu yimaadaan waxaana laga filayaa in ay soo saaraan qodobo maal gashadayaasha caalamiga ah u fududaynaya in ay ku soo dhiiradaan maal gashiga Somaliland isla markaana dalka ka hir galisa shaqo abuur iyo in dad badani ay shaqo kaย helaan.