Gudhubaa-gadhaa afka wada-guracan, ereyada gefka ah kuma badisee garo ย 

0

Waxa yaab ah oo yaabka-yaabkiis ah cayda sida dharka loo xidhanayo iyo hanjabaadda xadhka goosatay kuna socota madaxweynaha iyo reerkiisa guud, aan u kala qaado saddex qolo:-

1 ) Qolo maskax-guurkii doorashadi 2017 wali la dawakhsan, wax daweeyana weyday

2 ) Qolo kuwaas hore Role Model u yihiin oon โ€œIshta la barinโ€

3 ) Iyo kuwo madaxweynaha reerkooda ahaan loo adeegsanayo oon hami raganimo lahayn iyo garasho dheer oo mijinta qaadka ah ku siman

Aan u soo noqdo qolada hore, xooluhu waxay maraan sadex nololood 1) mar waa cosob daaq 2) marna waa calyo daaq 3) marna waa celiyaay-mariyaay o ah markay xaab dhulka ka qaadi waayaan ay meelwalba madaxa ku dhuftaan waa kuwaa xaalkoodu marayo shirbeeleed baanu ku dhawaaqi 2022 โ€œka salaamiyo yaab.

2) Waa qaar aan โ€œishta la barinโ€ oo laamida soo raacay kana muuqato badawnimada halka ugu danbeysa qayladu waa ismuujin kalsooni laโ€™aani hageyso laakiin dharka loo xidhay akhlaaqdi shicibka magaalada dhexdiisa iyo xishoodki way ka madhanyiin kuwaa waxanu leenahay awrku markuu sagaal jir gaadho waxa layidhaa mici-maraar loogana jeedo wuxu qabto dib looguma yeedho ninku markuu 40 sanadood siyaasad ku so jiro adigu u magac bixi โ€œtolow yaw sheegaโ€

3) Waa qaar aan โ€œqashar ugu jirinโ€ ninka reer miyiga ahi waa colaad u joog goor walba markaa marwalba waa inuu haystaa qorigii iyo xabadihiisi o waliba qaar dhuunta ugu jiraan ninka aan xabado haysan ayaa reer migigu markay mid dhaliilayaan ayey odhan jireen hebel โ€œqashar uguma jiroโ€wa caqli gaab ku idhiyaa

Waa qaar sida huuryada xoolaha qoonta loo adeegsado cayda madaxweynaha, qaar hamigii ka dhintay o qaar ku qanceen mujaahid hebel. waa kuwa raganimo kaga hadhay oo horjooga Maansoor si ay u sugaan gabbaati iyo inan la meherinayo.

Waa kuwa xildhibaanadii soo saari kari waayey intii loo dirayey cayda madaxweynaha.

Kuwaasi hayga gudooman tuducan:

โ€œNimankii abtirsiintiyo ehelkooda yiqiin alle hawnaxariiste ifka wey ka tegeeno

Uu asoolka shisheeye niman aad u yaqaaniyo

Axal aan naf lahaynba albaabada hada taagan

Erey aan dux lahayno=axmadow nin shisheeye

Ka yidhaaho afkiisiyo-sacabkay alwiyaan

Hadaan ku noqdo micnaha ciwaanka maqaalka waa โ€œalle waraabow maxaan muu kaa maqlay”

 

Dhawrkan tuduc Waxan u hibeeyey madaxweynaha:

Jiilaal hawaarsaday=dadka o haraad qaba

Awrku heeryadi dhigay=duunyadiina hoobteen

Hogoshi u curate=haro wada biyeyse

Raha ciida hoosiyo= shimiruhu u heeseen

Hoodaale yaad tahay

Hayin aan dakaamayn=ubad loo dulhooyiyo

Habasaha kaliilaha=damal la hadhsadad tahay

Geesigi haldoorke maalintay haboonayd

Fule u ka haajiray noo hiiliyad tahay, noo hagar baxaad tahay

Hooto caana badanoo= horaadada nasiisiyo

Haadi camal -san baad tahay

 

Somalilandeey laguuma baqo

Guuuuul Somaliland

Dal- jir Ibraahim Aadam Cilmi-galaan (Qumaash)